Farmaajo oo ka hadlay doorashada Pakistan iyo guusha Imran Khan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo ka hadlay markii ugu horeysay doorashada guud ee Pakistan ayaa wuxuu hambalyo udiray Imran Khan oo loo doortay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas.

Imran Khan oo ahaa ciyaaryahan horey oo dheeli jiray ciyaarta Cricket-ka ayaa ku helay doorashadda guud ee dalkaas codadka ugu badan, waxaana uu hogaamiye ka yahay Xisbiga PTI, kaasoo uu 22-kii sano ee lasoo dhaafay uu hogaamiye ka ahaa.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ku leeyahay Madaxwayanaha Soomaaliya ayaa lagu yiri: "Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Pakistan Imran Khan guusha uu gaaray.

Pakistan ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay wadamada soo koraya ee uu ku xoogan yahay nidaamka Dimuqraadiyadda, Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya ayaa ku bogaadiyay Shacabka iyo madaxda dalkaas.

"Pakistan waxay aad ugu firfircoon yihiin Dimuqraadiyadda, taasoo awood usiineysa inay dadkooda ka faa'ideystaan," ayuu Madaxwaynaha dalka Soomaaliya hadalkiisa ku daray.

Soomaaliya iyo Pakistan waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana dalkaas ku nool Dad Soomaaliyeed, kuwaasoo siyaabo kala duwan ujooga, wuxuuna Farmaajo balanqaaday inuu sii xoojin doonan cilaaqaadkaas.

"Soomaaliya waxay si dhow ula shaqayn doontaa dowladda Pakistan, inaga oo eegayna dhamaan dhinacyadda aan ka mideysan nahay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxwaynaha dalka.

Qoraalkaan ayaa lasoo soo dhigay Bogga Twitter-ka Madaxweynaha oo ku sugan dalka Turkiga, halkaasoo uu gaarey shalay oo Jimco ahayd, waxaana uu ka qayb-geli doonaa munaasabada lagu xusayo Aas-aaska xisbiga taladda haya ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM