Farmaajo oo ka hadlay qorshe ciidamadda Mareykanka lagu saarayo

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay la-taliyeyaashiisa sarre in uu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sidda uu wariyey mareegga ganacsiga ka faalooda ee Bloomberg.

Askarta Ameerikaanka ee waddanka jooga ayaa waxaa lagu qiyaasaa todoba boqol, iyagoo caawiya ciidamada Soomaaliya iyo dhigooda ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee magaciisa loosoo gaabiyo AMISOM.

Sidda ku xusan warbixinta, Waaxda Difaaca Mareykanka, lataliyaha amniga Qaranka Mareykanka iyo saraakiisha kale ayaa bilaabay in ay diyaariyaan qabyo-qoraalka ujeedkiisu yahay in lagu dhaqan-geliyo.

Bloomberg ayaa intaas ku daray in Trump uu saaritaanka ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya u adeegsanayo ololihiisa doorashooyinka soo aadan isla markaana uu arkay fursad uu taageero ku heli karo.

Boggan afka dheer ayaa taliska AFRICOM wuxuu kasoo xigtay in Trump ay uga digeen saaritaanka ciidamada isla markaana ay arrintaas fursad siineyso maleeyshiyaadka gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Dhanka kale, madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wargeysku sheegay in uu wareysi la yeeshay, ayaa laga soo xigtay in aysan dooneyn saaritaanka ciidamada.

Farmaajo ayaa "aaminsan in waddankiisa uu u baahan caawinta Mareykanka si uu meesha uga saaro khatarta dagaalameyaasha Al-Shabaab".

"Waxaan dhab ahaantii bogaadineynaa taageerada Mareykanka, waxaana ku faraxsanahay waxa uu noo qabtay Mareykanka, waxaan jeclaan lahayn in ay nala sii joogaan illaa shaqada ay ka fuleyso 100%," ayuu yiri.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo ka dhan ah argaixisada iyo tababaro ay siiyaan ciidamada Soomaaliya.

Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu ciidamada Mareykanka kasoo saaro Ciraaq iyo Afghanistan, waxaana muuqaneysa in liiska kusoo daray Soomaaliya, isagoo hadafku uu la leeyahay ay tahay in uu ku helo taageereyaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM