Farmaajo oo loogu baaqay in uu caddeeyo mowqifkiisa hadalkii Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu caddeeyo aragtidiisa hadalka ra'iisul wasaare Khayre ee ku aadan qabsoomida doorashooyinka si meesha uga baxo tuhunka isaga laga qabo, sidda uu sheegay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa "walaahi ma ogin, annaga ma ogin" ku jawaabay markii su'aal laga waydiiyey haddii madaxda isku raacsan tahay arrintaas.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay in madaxweynuhu la hadlo dadweynaha isla markaana uu damaanad-qaado in doorashadda waqtigeeda ku dhaceyso.

"Hadda kahor gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka hadlay idaacadaha wareysi bixiyey oo sheegay 'hal maalin oo ku darsasho ah aanu ogoleyn doorashadana xiligeeda ku dhaceyso' annaga waan soo dhaweynay, ra'iisul wasaarahaa sheegay doorashadeeda in xiligeeda la qabanayo waan soo dhaweynay; madaxweynaha isagaa dalka hogaamiyihiisa ah, qofka la doorteyna isagaa ah hadduu Umadda soo hor istaago oo afarta qodob ee ra'iisul wasaaruhu sheegay ogolaado oo ah; kow doorashada in xiligeeda ku dhacdo, laba oo ah in saamileyda siyaasadda doorashada ka heshiiyaan saddex doorashada mid xasiloon oo nabdoon ay noqoto afar in xukuumadiisa ay mudnaanta koowaad siiso doorashadda sidda ra'iisul wasaaruhu sheegay annaga waan soo dhaweynaynaa; annaga kalama jeclin dadka laanta fulinta madaxdeeda ah laakiin annaga waxaan ku xukumeyno waa qowlkeeda; way fiicnaan lahayd cidda hadalkaas jeedineysa oo dadka dejineysa oo damaanad-qaadkaas bixineysa in isaga [madaxweyaha] ahaado, laakiin tuhumad ayay sii xoojineysaa in madaxweynuhu arrimahaas diyaar u ahayn," ayuu u sheegay Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u baahiyey xog la hubiyey oo daaha ka rogtay in Farmaajo iyo Khayre ay isku khilaafsan yihiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkan aynu ku jirno ee 2020.

Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in uu u han-qal-taagayo qabashada coddeyn qof iyo cod ah, taas oo siyaasiyiintu sheegeen in aysan dhici karin, iyagoo cuskanaya diyaar-garow la'aan, dhaqaalo iyo nabad-gelyo xumo.

Khayre ayaa dhankiisa lagu waramay in uu soo jeediyey in qaabka loo marayo doorashooyinka ay ka heshiiyaan saamileyd siyaasadda waddanka.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa la rajeynayaan in ay bishaan hortagaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, halkaas oo lagu waddo in ay ka caddeeyaan nooca ay noqoneyso cod-bixinta aadka isha loogu hayo.

Bishii hore ee May 27-keeda ayaa qorshuhu ahaa in guddigu hortaggo baarlamaanka, hase ahaatee, waxaa ku yimid dib-u-dhac ay walaac ka muujiyeen xisbiyadda mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo ku baaqdey isbedel.

Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka iyo warbixinta Guddiga doorashooyinka oo ay si weyn indhaha ugu hayaan daneeyeyaasha siyaasadda iyo bulshadda ayaa go'aamin karta jidaha dalka uga baxayo mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM