Farmaajo oo markii ugu horeysay la kulmay Gudoomiyeyaal degmooyin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay kulan gaar ah la qaatey gudoomiye-yaasha degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii la doortay bishii Febuary 2017.

Kulanka oo xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo ku xigeenadiisa.

Shirka oo aan wali Villa Soomaaliya wax fahfaahin ah ka bixin ayaa wararka hoose ee Garowe Online uu helayo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Gudoomiyeyaasha sidii wax looga qaban lahaa amni xumada Muqdisho iyo cabashada shacabka.

Howlgallada dadka badan ay Ciidamada kusoo qabtaan ee ka dhaca degmooyinka gobolka iyo wadooyinka inta badan laga xiro shacabka ayaa kamid ah sida aan wararka ku helayno qodobada Farmaajo iyo Mas'uuliyiinta uu la kulmay isla soo qaadeen.

Gudoomiye-yaasha 17-ka ah ee ka kooban gobolka Banaadir ayaa lagu dhaliilay wax qabad la'aan iyo fashil dhanka amniga degmooyinka ay maamulaan, iyadoo hadda ay soo foodsaartay cabsi ku aadan in xilalka laga qaado.

Eng Yariisow ayaa tan iyo markii la magacaabay aan sameynin wax xil ka qaadis ah Gudoomiye-yaasha degmooyinka, oo mas'uuliyiintii isaga ka horeeyay looga bartay in hal mar xilka qaadis ku sameeyaan, islamarkaana magacaabaan kuwa ay iyagu wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa oo Midowga Yurub Ka Dalbaday Taageero Dheeraad ah xilliga Kala-guurka AUSSOM  

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 12:46PM

Muxuu Guudlaawe xilka uga qaadey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan?

Xilka qaadista ayaa timid xilli uu jiray muran xooggan oo ka dhashay canshuuraha laga qaado garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 11:28AM