Farmaajo oo kormeeray degaano laga saarey Al-Shabaab [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Farmaajo ayaa mar sii horeysay oo Jimcadii ah waxa uu diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ku tegay degaanada Sabiid iyo Caanoole.

Tuulooyinkaasi oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa bishii hore ay ciidanka milatariga ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab, kadib dagaal saacado qaatay.

Farmaajo, oo sidoo kale ah taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, ayaa kormeeray dufeesyada xoogaga dowlada ee degaanadaasi

Hogaamiyaha wadanka Geeska Afrika ku yaalla ayaa ku tartarsiiyay ciidanka in ay ka difaacaan wadanka "kooxaha argagixisada ah".

Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe], taliyaha milatariga, ayaa xusay in ciidanka ay baaqi kusii ahaan doonan degaanada ay qabsadeen.

Geesta kale, kahor booqshadiisa degaanada la xoreeyay, Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay ergayga Sacuudiga ee Afrika.

Wasiiru dowlaha Sacuudiga ee Afrika uu Farmaajo u gudbiyay dhanbaal uu ka sigay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis-ka Sacuudi Carabiya.

Villa Soomaaliya ma aysan fahfaahin waxa ku qoran dhanbaal oo kusoo aadaya iyada oo xiriirka labada dal uu ahaa mudooyinkii dambe mid gaabis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM