​Farmajo oo la kulmay Qurba-joog u timid Shir fashilmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay (9-dii October), ku qaabilay Xafiiskiisa Qurba-joog kusoo lug go'day Shirkii fashilmay, ee arrimaha dib-u eegista Dastuurka.

Qurba-joogtan, oo ka kala yimid Waqooyiga Ameerika, Yurub iyo Australia, ayaa lagu casuumay Shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka, oo la filayay inuu ka furmo Muqdisho Axadii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa uga cudur-daarey Wasiir Xoosh Kulanka uu kusoo casuumay, ee qabsoomi waayay. Wasiirka ayaa qaban-qaabiyay Shirka, isagoo kala tashan Gudiyada Dastuurka iyo maamul goboleedyada, sidaasi darteedna uu ku fashilmay.

Wasiirka Dastuurka, Cabdi Xoosh Jibriil, ayaa dadkan ugu yeeray Shir aan la isku raacsaneyn qabashadiisa, kaasi oo ay ku gacan-seyreen Maamullada dalka, Labada Golle ee Baarlamaanka iyo Gudiga madaxa-banaan, ee Dib u eegista Dastuurka.

Dadka Somalida ah ee ku nool dalka dibadiisa intooda badan ayaa inta badan muhiimad gaar ah siiin sharciyada kulamada kuwasoo fursado gaar u ah ka eegta.

Qurba-joogta ayaa inta badan lagu casuumaa shirarka ay qabtaan Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka, iyagoo iska eegin waxa ay u imaanayaan inay dan ugu jirto mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM