Soomaaliya: Guddiyadda Dastuurka oo qaadacay Shirka Dastuurka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga dib u eegista iyo la socodka hergelinta Dastuurka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Gudiga madaxa-banaan ee farsamada  iyo hergelinta Dastuurka, ayaa kasoo horjeestay Shirweynaha la filayey in Wasaarada Dastuurka lagaga hadlo howlaha dib loogu eegayo Axdiga KMG Soomaaliya.

Labada Gudiga ayaa maanta oo Sabti ah soo saarey War-murtiyeed ay ku midaysan yihiin, kaasi oo ay ku qaadaceen ka qeybgalka Shirkan, oo uu soo qaban qaabiyay Wasiirka Dastuurka, Cabdi Xoosh Jibriil.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka labada aqalka ee Baarlamaanka, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Shirka uu yahay mid carqaladeynaya geedi-socodka dib u eegidda dastuurka, islamarkaana uu hareer-marsan yahay hanaanka la damacsan yahay In dib loogu eego Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka, in si awood marooqsi ah ku abaabushay Shirka, islamarkaana iska indha tirtay hab-raaca loo dajiyey dib u eegista Dastuurka.

Labada Gudi ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada, bulshada rayidka iyo shacabka Soomaaliyeed inaysan ka qeyb-galin shirweynaha qaranka, ee dib u eegista qaran ee berri ka furmaya Muqdisho.

Waxay uga digeen Hay'adaha caalamiga iyo Deeq-bixiyaasha inaysan dhaqaale ku bixin arrimaha dib u eegista Dastuurka iyo shirarka loo qabanayo, oo uu sheegay in lagu afduubay shaqooyinkii labada gudiga loo doortey.

Inta badan maamul goboleedyada dalka sida Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa horey u qaadacay Shirweynaha qaran ee dib u eegista Dastuurka ee Berri furmaya.

Wararkiii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dib u dhigtay Shirka, maadaama qeyb-galiyaashiisa ay qaadaceed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisow, ayaa ku dhawaaqay in Shirka uu u baaqday cilad farmo owgeed, isagoo sheegin waqtiga kale ee uu furmi doono.

Wasiirka Dastuurka ayaa tan iyo intii xilkaan loo magacaabey ayaa dardar galin ku bilaabey howlaha dib loogu eegayo Dastuurka isaga oo gabi ahaanba meesha ka saarey dhinacyada kala duwan oo howlahaan khuseeyaan.

Dowlada Puntland iyo maamulada kale ee ka tirsan Federaalka ayaa horey u qaadacey ka qayb galka kulankaan kuwasoo baajiyey ergooyinka ugu qayb gali lahaa kulankaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM