Soomaaliya: Shirweynihii Qaran ee Dastuurka oo baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay inuu baaqday Shirweynaha qaran, ee dib u eegista Dastuurka dalka, kadib markii laga soo horjeestay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhacay Shirka, oo lagu waday inuu maanta oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho.

Sababta dib u dhaca, waxa uu ku sheegay Wasiir Yariisow Arrimo farsamo.

Shirka waxaa kasoo horjeestay dhammaan maamulada dalka ka jira iyo Guddiyadda Dastuurka, oo ku eedeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay fara-maroojisay hanaankii dib u eegista Dastuurka.

Kaalinta Gudiyada oo meesha ka maqan iyo maamul goboleedyada oo aan laga tala-galin ayaa keentay khilaaf xooggan, oo sababay inuu qabsoomi waayo Shirka, looga hadli lahaa arrimo dastuurka wadanka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay shalay soo saareen Gudiga dib u eegista iyo la socodka hergelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya & Gudiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hergelinta dastuurka ayaa ku qaadacay Shirweynaha qaran ee dastuurka.

Halkan hoose ka akhri War-murtiyeedka:


GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo Sii XOOGAYSTAY iyo Baqdin laga muujinayo Amniga Galmudug

Khilaafkan sii kordhaya ayaa hadda halis ku ah inuu burburiyo xiriirkii ka dhexeeyay madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxa sirdoonka.

  • Soomaliya

    28-05-2026

  • 02:34PM

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM