Gal-dacwadeed laga furayo mas'uuliyiinta eheladooda jiraan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda dalka Soomaaliya ayaa waxay amar ku bixisay in la furo gal-dacwadeed ka dhan ah cid kasta oo ku jirta diiwaanka dowladnimo ee eheladooda ay kamid yihiin argagixisadda.

Gudoomiyaha xeer-beegtadda oo carabka ku dhuftay in dadkaas ay kamid yihiin mas'uuliyiinta, saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda ayaa faray hay'addaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah u bilaabaan shaqadaas.

Sidda laga soo xigtay Xasan Cali Nuur Shuute, ujeedada laga leeyahay talaabadaan ayaa la xiriirta in lagu xoojiyo howlgalada amni sugida.

"Amniga wuxuu sugmaa marka xogta iyo howlgalka mideysan yihiin," ayuu u sheegay howlwadeeno ka tirsan Hay'adda Dambi baarista Booliska ee CIA-da oo kulan su'aallo waydiin ah uu kula qaatay Muqdisho.

Kulankaan ayaa yimid markii habac-sanaan iyo wadashaqeyn la'aan ay kasoo dhex-ifbaxday Maxkamada Ciidanka iyo dambi-baarista.

"Waxyaabaha aan rabno in baarista ay qabato waxaa kamid ah dadka; saraakiil, mas'uul ama shaqaale dowladeed oo ehelkiisa argagixisadu jiraan, waa in gal-dacwadeed loo furaa oo su'allo la waydiiyaa, hadii ay cadaato oo uu ogaa oo uusan soo gudbinna dacwad ciqaabaa lagu soo oogaa si talaabo looga qaado," ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Cali Nuur [Shuute].

Kooxaha argagixisada ee ka howlgala Soomaaliya waa Al-Shabaab iyo Daacish, oo si dhuumaaleysi ah dhaqdhaqaaq uga sameysa Puntland.

Hadalka gudoomiye Shuute, oo aabihiis ay horey u dileen ururka Al-Shabaab, ayaa kusoo hagaagaya xilli uu sii kordhayo walaaca la xiriira ku-dhex-milanka hay'addaha dowladda ee xoogaga hubeysan.

Warbixino amniga ayaa soo jeedinaya in xafiisyadda madaxda sarre la dhimay shaqaalaha caadiga ah, sabab la xiriirta baqdin amni. Intaas waxaa wehlisa in hogaanka uu munaasabado uga baaqdey digniino ammaan.

Inkasta oo qaraxyadii waaweynaa ay ka yaaraadeen caasimadda, haddana dilalka qorsheysan iyo hoobiyeyaasha lagu beegsado ayaa noqdey tus-bax afka furtay, sidda uu shaaciyey machadka daraasaadka amniga Hiraal.

Sidda ku xusan warbixinta uu machadka soo saarey 6-dii bishaan July taasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, kala barka sanadkan 2020-ka, Al-Shabaab ayaa fulisay 384 weeraro, halka kala barkii sanadkii 2019 ay qaadey 433.

GAROW ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM

Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    14-04-2024

  • 11:27AM