Gedo: xubno Al-shabab ah oo ciidamada DF isu soo dhiibey [DHEGEYSO]

Image

August 5, 2015 (GO)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ku dhawaad boqol qof oo isugu jira maleeshiyaadka al Shabaab iyo Taageerayaashoodu ay isa soo dhiibeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Ethiopia ee ka tirsan AMISOM ay hawlgallo iyo duqaymo ka wadeen tuulooyin hoos yimaadda gobolka Bakool.

Hadaba si aan arrintaasi faahfaahin uga helno ayaa Xuseen Barre Aadan oo ku sugan Washington waxa uu ka waraystay Taliyaha  guutada sideedaad ee ciidamada dawladda Soomaaliya ee gobolka Bakool Kornayl Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Tima Cadde).

Xigasho: VOA

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM