Goorma ayaa la magacaabayaa Taliyeyaasha Booliska iyo NISA?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay ku yeeshaan Villa Soomaaliya kulan aan caadi ahayn, oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in ajandooyinka kulanka uu kamid yahay inay ansixiyaan magacaabidda Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugida.

Wali lama oga magacyada mas'uuliyiinta loo magacaabay jagooyinka, balse waxay wararka qaar ay sheegayaan in Taliyaha NISA laga dhigayo Cabdi Jiirow Calasow oo horey usoo noqday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa la filayaa in loo magacaabo Jeneraal Axmed Taajir oo kamid ah Saraakiisha Booliska, sidoo kalane soo noqday Taliy ku xigeenka Booliska xilligii dowladdii Allah ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Waxaa laga yaabaa inay wax iska bedelaan Macluumaadka uu helay Garowe Online marka la shaaciyo magacaabista Xilalkan oo banaanaa tan iyo bishii October ee sanadkii tagey, kadib markii laga qaaday Saacid iyo Sanbaloolshe oo lagu dhaliilay waxqabad la'aan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Agaasiimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa mudooyinkii dambe ka doodayay cida loo magacaabayo Xilalka Taliyeyaasha Booliska iyo NISA.

Hay'adahan oo muhiim u ah suggida amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ayaa lagu eedeynayey wayadaan dambe in lugaha la gashey arimo ka baxsan howlaha loo igmadey iyadoo kooxaha mucaaradka horey u sheegeen in  bartilmaameed ka dhigato dadka siyaasada kaga soo horjeedo Dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM