Gudiga Doorashada Galmudug oo la shaaciyey xili laga digay ku shubasho

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa Isniinta maanta ah magacaabay Guddiga Doorashooyinka xili uu khilaaf jiro.

Magacaabida xubnaha guddiga oo ka kooban 11 ayaa timid markii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, uu tegay magaaladda Dhuusamareeb lana kulmay Shaakir.

Ahlu Sunna ayaa horey waxay uga soo horjeesatay Guddiga Farsamada maamul dhisida dowlad goboleedkan, kaasoo ay dhowaan soo saartay xukuumadda federaalka ah.

Murashaxiinta illaa iyo haatan la og-yahay ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Odowaa iyo Guutaale ayaa ka hor-yimid qaabka ay dowladdu u wado dhismaha Galmudug middeysan xili xisbiyadooda Midowga Nabadda & Horumarka iyo Wadajir ay ka digeen "ku shubasho".

Siyaasiyiinta iyo xisbiyadooda ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka fal-celin Guddiga cusub ee xafiiska Sheekh Shaakir uu magacaabay.

Qoor-qoor, Wasiiru dowlaha Wasaaradda howlaha Guud iyo Guryeynta xukuumadda Khayre, ayaa la rumeysan yahay in uu yahay murashaxa ay gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu socdaal kale ugu ambabixi doono Dhuusamareeb si uu dhameystiro qorshaha Laanta Fulinta ee maamul goboleedkaas.

QORAALKA MAGACAABIDA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM