HirShabeelle oo Aqalka Sare u gudbisay cabasho ku aadan bixitaanka AMISOM

Image

MUQDISHO, Somalia - Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ashtako ku aadan bixitaanka ciidamada AMISOM ee degaanada maamulkaasi u gudbisay Guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka Sare, baarlamaanka federaalka ah.

Xoogaga nabad-illaalinta ayaa lagu wadaa in ay isaga hayaamaan tuulooyinka Cadale, Xaaji Cali iyo Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi ay la wareegayaan milatariga Soomaaliya.

Cabdiqaadir Aadan Jeelle, wasiirka amniga HirShabelle, oo cabashada u gudbiyay Senate-ka wadanka ayaa u sheegay warbaahinta inay doonayaan in dib loo dhigo qorshaha bixitaanka ciidamada midowga Afrika.

"Maadaama aanu diyaar-saneen ciidamo Soomaaliyeed oo amniga damaanad qaada, waxaa loo baahan yahay talaabo kale oo muhiim ah," ayuu wasiirku hadalkiisa u daray, isaga adkeynaya walaac uu Madaxwayne Waare horey u muujiyay

Ku dhowaad kun Askari oo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi oo degaanada HirShabelle ku sugan, ayuu talisku ku dhawaaqay in dabaqaayada bishaan ka baxayaan guud ahaan wadanka.

Senator Cusmaan Macow, oo Gollaha Aqalka Sare ku metala HirShabelle, ayaa u sheegay suxufiyiinta in ay xusul-duub u geli doonan sidii ay wax uga qaban lahaayeen cabashada, inkasta oo uu qiray inay tahay shaqo adag.

"Waxaan isku deyi doonaa in aan dhigno halka ay u qalanto..waxaana aan horgeyn doonaa madaxda dowladda Federaalka," ayuu raaciyay mudanaha, kaasi oo ay hareer taagnaayeen xubno kale.

HirShabelle oo aas-aasan muddo 2-sano ah ayaa kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira ee amnigooda uu ku tiirsan yahay ciidamada AMISOM xili Puntland ay tahay halka kaliya oo aanu ciidamo shisheeye ku sugneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM