HirShabeelle oo qaadacday Shir ka dhacay Muqdisho, eedeysayna DF

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeellaha, Maxamed Cabdi Waare ayaa qaadacay go'aanno kasoo baxay Shir dowladda Federaalka ugu qabatey maamul Goboleedyada magaaladda Muqdisho.

Qar qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Waare shalay, ayaa lagu sheegay in HirShabeelle aysan qaadan doonin natiijadda Shirka ka jawaabidda xilliga dhaw, ee xaaladaha degdega ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda gargaarka DFS.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasaaradda Gargaarka ee dowladda Dhexe ay soo bandigtay barnaamij wax looga qabanayo abaaraha dalka, kaasi oo ay ku takoortay degaanno qaar oo HirShabeelle kamid ah, arrimo siyaasadeed iyo qabiil awgii.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM