AlShabaab oo mowqif ka qaadatay kiiska badda ee Soomaaliya-Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – AlShabaab ayaa waxay baahisay cod cusub oo ku saabsan hogaamiyaheeda, Axmed Diiriye Abu Cubeyd; codka wuxuu u muuqdaa mid dhowaan la duubay.

Fariinta oo soconaysa 20:39 daqiiqadood ayaa waxa uu Abuu Cubeyd uu kaga weerararadii bishii July ee magaaladda Kismaayo iyo is-miidaamintii xafiiska duqa magaaladda Muqdisho.

Gulufkii huteel Cascasey ee caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa lagu khaarijiyey ku dhowaad 20 ruux oo ay ku jiraan Soomaali caan ah oo haysatay dhalashadda dalal kale.

Abuu Cubeyda ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal-qaadayaa dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha deriska ah ee Soomaaliya-Kenya.

Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo ay fulisay haweenay aragga camoole ah kana mid ah mas'uuliyiinta maamulka ayaa galaaftay Injineer Yariisow, duqii magaala madaxda dalka.

Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo ay fulisay haweenay aragga camoole ah kana mid ah mas'uuliyiinta maamulka ayaa galaaftay Injineer Yariisow, duqii magaala madaxda dalka.

Xukuumadda Nairobi ayuu ku eedeeyay "in ay isku dayeyso qabsashadda biyaheena", isaga intaasi raaciyey in AlShabaab ay kasoo horjeedo "xukun kasta" oo ay Maxkamada ICJ rido.

Dhageysigan gal-dacwadeedkan oo taagan tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii balse haatan maraya heer gabagabo ah ayaa waxa la bilaabi doonaa dhageysigiisa bisha Novembe 2019.

Kiiskan oo ku saabsan goob badkeedu yahay 100 KM isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ayaa qodxo u yeeshay xiriirka labadda waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM