Hogaanka Ahlu Sunna oo "isku dhiibay" Ciidamadda DF Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Hogaanka ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu waramayaa in uu isku dhiibay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in loogu galay gudaha xarunta INJI, oo ah fariisinka ugu weyn ee ururkaas.

Talaabada Shaakir iyo Maxamuud ayaa kusoo aadeysa iyaddoo dagaalo qaraar uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socdeen xarunta gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey 20 qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaaladda oo ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo saldhiga degmada Guriceel.

Ma cadda talaabada xigta oo laga qaadi doono hogaanka Ahlu Sunna oo la tilmaamay in ay kolkii hore dalbadeen in ay isku dhiibaan Ciidamadda AMISOM.

Wararka ayaa intaas ku daraya in is-dhiibitaanka ay xubnahaan ku qasabtay markii ciidamadooda ay badankooda isu-gacan geliyeen Ciidamadda Dowladda Federaalka ah kadib markii laga awood-roonaadey.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa soo afjareysa khilaafka Villa Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ka dhashay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb, taasoo ay ka dhasheen madaxweyneyaal saddex oo is-diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM