Hoos u dhac ku yimid kalsoonida Shacabka ku qabaan Farmaajo iyo Khayre

Image

PARIS - Daraasad cusub oo laga sameeyay lix gobol oo katirsan dalka Soomaaliya, ayaa lagu ogaadey in madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay lumiyeen kalsoonida shacabka.

Hay'adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research ayaa sameeyay cilmi-baarista oo dadkii ay wareysteen su'aallo ka waydiiyay aragtidooda ku aadan arrimaha amni darrada, musuq-maasuqa, maamul xumada iyo arrimo kale.

Sida laga soo xigtey cilmi baarista, 42% dadku waxay dareemayaan in wax isbedal ah aanan laga sameynin guud ahaan xaaladadaha dhinaca dhaqaalaha ah sanadkii hore. Halka 48% ay ku doodeen in dalka uu ku socdo wadada saxda ah.

- Gobolka Banaadir -

Dadka la wareystay ayaa 34% sheegay in wadanka uu ku socdo Jiho qaldan, iyaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inuu la degay musuq-maasuqa, amni darro, hantida dowladda oo la lunsado iyo kobaca dhaqaalah soo aan si xowli ah ku socon.

- Taageerada shacabka ku qabaan Farmaajo -

Markii Madaxwaynaha loo doortey bishii Farbaayo ee sanadkii hore 2017, Farmaajo wuxuu haystay shacbiyad lagu qiimeeyay 86%, waxaana haatan ka go'day 19%, taasi oo ka dhigan inuu haysto 67%, sida laga soo xigtey daraasadda.

Heerka kalsoonida ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan Madaxweyne Farmaajo ayaa aad hoos ugu dhacday 19% mudadii 19-ka bilood ee uu xafiiska joogay.

 

- Kalsoonida lagu qabo Khayre -

Si lamid ah, Ra'iisul Wasaare Khayre oo xilka loo magacaabay sanadkii 2017 wuxuu waqtigaas haystay shacbiyad lagu sheegay 83%, isaga oo la sheegay inuu lumiyey 21% xili uu haatan haysto 62%, sida lagu xusay cilmi baarista ay sameysay hay'adda.

- Gollaha Wasiiradda -

Gollaha Wasiiradda ayaa la sheegay inay lumiyeen wax badan oo kalsoonida shacabka ah, iyaga oo markii lasoo dhisayey haystay 86%, balse, baarayaasha ayaa tilmamaa inay haatan haystaan 49% oo kamid ah kalsoonida bulshadda.

"Hogaamiyaasha dowladda waxaa si xowli ah ku socda luminta taageerada shacabka ah. Waa mid muhiim ah in la tilmaamo meelaha aan bidhaaminay - Halka ay kalsoonida laga helo waa shacabka, si aad uhesho waa inaad sameysaa waxay ubaahan yihiin," ayuu yiri Agaasimaha Hay'adda daraasadda sameysay, Anthony Ndirangu.

- Hay'adaha Amaanka - 

Kalsoonida shacabku ku qabey laamaha amaanka gaar ahaan ciidanka Booliska iyo Milatariga ayaa hoos ugu dhacdey si xoogan, waxaana shacabka Soomaaliyeed uu aaminay inay ku fashilmeen xaqiijinta amaanka iyo xakameynta nabad-gelyadda.

- Hogaamiyaasha maamuladda -

Taageeradda hogaamiyaasha maamul goboleedyadda ayaa gabi ahaaba hoos ugu dhacday, waxaana mid walba oo kamid ah uu haystaan in ka badan 50% oo taageero ah. Shariif Xasan, madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa haysta 55% halka Axmed Madoobe uu haysto 52%.

Hogaamiyaasha maamuladda kale - HirShabelle iyo Galmudug ayaa haysta taageero dhan 43%, halka Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] uu yahay kan ugu hooseeya isaga oo haysta taageero dhan 31% oo dhanka shacabka ah.

Hay'adaha Ipsos Limited iyo Farsight Africa Research oo uu fadhigoodu yahay magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa si gaar ah waxay uga faalootaa arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wax kasta oo ku tacaluqa dowladnimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM