Tirada weerarada is-qarxinta ee Al-Shabaab dumar u adeegsatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in is-miidaayihii weerarkii xafiiska duqa magaaladda Muqdisho ee Arbacadii ay haweenay ahayd.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda dhacdadaasi ayaa waxay tilmaamtay in hadafka uu ahaa ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay.

James Swan ayaa wuxuu ka tegay xarunta saacado kahor qaraxa, halkaasi oo uu kula kulmay gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa haatan ah dhaawac, waxaana loo qaadayaa dalka Qadar si loogu daaweeyo.

Todoba mas’uuliyiin oo heer degmo iyo gobol ah ayaa ku naf-waayey falkaasi argagixiso, sidda ay sheegtay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Is-miidaamintan ah ayaa ugu yaraan noqoneysa tii afaraad oo ay Al-Shabaab u adeegsatay qof dumar ah, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha.


Bishii June 10-keeda sanadkii 2010-kii, qof dumar ah oo isa soo miidaaday ayaa hoygiisa ku dishay Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdishakuur Xasan.

Bishii April 4-teeda sanadkii 2012-kii, haweenay qarax isku soo xirtay ayaa ku dhowaad 10 qof waxay ku galaafatay Tiyaartka Qaranka.

Bishii Febraayo 20-keeda sanadkii 2015-kii, qarax gaari iyo haweenay is-qarxisay ayaa 20-ruux waxay ku laayeen huteelka Central ee Muqdisho.


Maxamed Cabdullaahi Tuulax, gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa shaaciyay in haweenayda is-qarxisay "ay garab heshay".

"Qofka is-qarxiyey gudaha ayaa laga hagayey. Baaritaanka socda ayaa lagu ogaan doonaa xaqiiqada dhabta ah," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in weerarkan uu muujinayo in xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay weli awood u leedahay in ay beegsato xarumaha aadka loo ilaaliyo ee dowlada.

Arbacadii, tirro hoobiyeyaal ah ayaa waxay ku dhacday agagaarka Madaxtooyadda Qaranka, wallow aanan illaa iyo haatan lasoo warin wax khasaaro ah.

Isniintii, qarax gaari oo aad u culus ayaa ku dhowaad 20 ruux wuxuu ku laayay isgoyska KM4 gaar ahaan kontaroolka laga ilaaliyo garoonka Aadan Cadde.

Bartamihii bishan July, ku dhowaad 30 qof ayaa lagu naf-gooyey weerar toos ah iyo qarax gaari oo lagu qaaday huteel Cas-casey oo ku yaala magaaladda dekadda leh ee Kismaayo, kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM