Is-faham laga gaarey guddiga xulista wakiilada Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-mari-waagii ka taagnaa guddiga doorashadda Xildhibaanadda goboladda waqooyi ee Somaliland ayaa lagu soo afjaray is-afgarad ka dhacay magaalada Garowe, sidda ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Kulankii caasimadda dowladda Puntland ku dhexmaray afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa la sheegayaa in ay isla meeldhigeen qodob lagu xalinayo muranka.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in Cabdi Xaashi loogu darayo guddiga saddex xubnood oo isaga magacaabayo, waxaana ay ku biirayaan xubnihii ay horey u soo bandhigtay xukuumadda taas oo buuxineysa wadarta oo ah 14.

Heshiiskii 17-kii September ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladda iyo maamulada ayaa xeerinaya in dowlad goboleedyadda ay soo xushaan 11 xubnood oo guddiyadda ka mid noqonaya, saddexna dhanka xukuumada.

Tani ayaa la macno ah in Xaashi la siiyey saami saddex ah, Mahdi Guuleedna soo xulanayo afar kale, xukuumaddana ay saddex la imaaneyso.

"Wadahaladda ay isugu soo dhawaadeen Xaashi iyo Guuleed waxaa kaalin ku lahaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland," ayay sheegeen dadka sidda dhow ula socday is-afgaradka.

Qadiyadda Xildhibaanadda goboladda waqooyi ayaa kamid ahayd qodobadda ugu culus is-mari-waagu ka taagnaa, waxaana muuqaneysa in haatan ay baaqi tahay arrinta gobolka Gedo oo dhankeeda isu soo dhowaanshiyo ka muuqato.

Sikastaba ha ahaatee, wallow is-faham laga gaarey laba kamid ah qodobadii muranka salka ku hayey, madda cadda waxa laga yeelayo xubnaha guddiga doorashooyinka ee mucaaradka sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM