Is-miidaayihii weerarkii mas'uuliyiinta lagu laayay oo la aqoonsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Baaritaano horudhac ah ay laamaha ammaanka sameyeen ayaa shaaca ka qaadeysa is-miidaayihii weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah xafiiska duqa Muqdisho.

Qaraxaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay todoba ruux oo gebigooda ah mas’uuliyiin, waxaana ku dhaawacmay lix kale oo uu ku jiro gudoomiye Cabdiraxmaan Eng Yariisow.

Macluumaadka laga helay baarista hay’addaha nabad-gelyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muujineysa in is-miidaayaha ay ahayd qof dumar ah. [Halkan ka akhriso khasaaraha]

Dhaawaca Eng Yariisow iyo mas'uuliyiin kale oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan heerkooda ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah loo qaado Qadar, si loo badbaadiyo noloshooda.

Xogaha ayaa intaasi raacinaya in haweenayda oo la sheegayo in ay ahayd ruux araga la’ (camoole) ay "ka caawineysay" Eng Yariisow Baahiyaha Gaarka ah ee dadka naafada ah, kana mid ahayd shaqaalaha xafiiskiisa.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda dhacdadan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkooda uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay, kaasi oo saacado kahor ka baxay xarunta gobolka Banaadir.

Haweenayda oo haysay xil dhif iyo naadir ah oo ah Isu-duwaha Baahiyaha Gaarka ah ee dadka naafada ah ee xafiiska Eng Yariisow ayaa waxaa jagadaasi loo dhiibay sanadkii hore.

Talaabadaasi ayaa waxay qayb ka ahayd dedaalo uu Eng Yariisow xal ugu raadinayey caqabadaha ay wajahayaan dadka naafadaha ah ee ku nool caasimadda, uuna ku kasbaday taageeroyaal badan.

Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa hore waxay ka digeen shaqsiyaad laba kaarleyaal ah oo la shaqeeya dowladda iyo dagalaameyaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay wali furan yihiin albaabada wadahadalka khilaafka doorashada

Baaqan ayaa imanaya xilli xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin qaabka doorashada iyo arrimaha dastuuriga.

  • Soomaliya

    04-02-2026

  • 09:42AM

Warar Is Khilaafsan oo Ka Soo Baxaya Geerida Saif al-Islam Gaddafi

Madaxa kooxda siyaasadeed ee Saif al-Islam ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Liibiya…

  • Soomaliya

    03-02-2026

  • 08:44PM