Jubaland oo fashilisay weeraro ka dhan ah wasaarado iyo huteelo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay fashiliyeen weeraro saf-balaaran oo ay soo maleegtay Al-Shabaab.

Wasaaradda Amniga ayaa Khamiista maanta ah waxay sheegtay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen afar qof oo ay middi tahay haweenay.

Sidda laga soo xigtay baareyaasha, shaqsiyaadkan ayaa caddeeyay in ay qorsheynayeen gulufyo ka dhan ah xarumo wasaaradeed iyo huteelo.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka laamaha ammaanka Jubaland, ayaa laga soo xigtay in sidoo kale ay qabteen fuustooyin ay ku jiraan qaraxyo.

"Howlgallo ay ciidamadda waddeen maalmihii lasoo dhaafay ayaa looga hortagay dhagarta," ayay idaacadaha magaalada Muqdisho kasoo xigteen Mr Cabdinuur.

Dhaqdhaqaaqyadda ciidamadda wadaan oo wali socda ayaa waxaa ujeedkoodu yahay sidii loo hagaajin lahaa nabad-gelyadda xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Xubnaha lasoo qabtay lana soo bandhigay ayaa waxaa kamid ah; Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud

Qabashadda raggaan iyo fashilinta weeraradda ayaa imaaneysa xili mudooyinkii u dambeeyay ay caasimadda ku meel gaarka Jubbaland lagu beegsanayey dadka wax galka u ah bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM