Jubaland oo fashilisay weeraro ka dhan ah wasaarado iyo huteelo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay fashiliyeen weeraro saf-balaaran oo ay soo maleegtay Al-Shabaab.

Wasaaradda Amniga ayaa Khamiista maanta ah waxay sheegtay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen afar qof oo ay middi tahay haweenay.

Sidda laga soo xigtay baareyaasha, shaqsiyaadkan ayaa caddeeyay in ay qorsheynayeen gulufyo ka dhan ah xarumo wasaaradeed iyo huteelo.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka laamaha ammaanka Jubaland, ayaa laga soo xigtay in sidoo kale ay qabteen fuustooyin ay ku jiraan qaraxyo.

"Howlgallo ay ciidamadda waddeen maalmihii lasoo dhaafay ayaa looga hortagay dhagarta," ayay idaacadaha magaalada Muqdisho kasoo xigteen Mr Cabdinuur.

Dhaqdhaqaaqyadda ciidamadda wadaan oo wali socda ayaa waxaa ujeedkoodu yahay sidii loo hagaajin lahaa nabad-gelyadda xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Xubnaha lasoo qabtay lana soo bandhigay ayaa waxaa kamid ah; Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud

Qabashadda raggaan iyo fashilinta weeraradda ayaa imaaneysa xili mudooyinkii u dambeeyay ay caasimadda ku meel gaarka Jubbaland lagu beegsanayey dadka wax galka u ah bulshadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM