Kadib eedeyntii Kenya, Farmaajo oo la hadlay Uhuru Kenyatta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefonka kula hadlay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta xilli xiisadda labada dalka ay cirka isku sii shareerayso.

Villa Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saarey ku sheegtay in labada Madaxweyne ay kawada hadleen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka geeska Africa.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa isla gartay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro, sida ku xusan war-saxaafadeedka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Xiriirka Farmaajo uu la sameeyay Uhuru ayaa yimid kadib markii shalay dowladda Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ku xad-gudubtay xuduudeeda dhuleed iyo madaxbanaanideeda.

Gollaha Amniga Qaranka Kenya kulan uu shalay ku yeeshay Nairobi, oo Uhuru uu shir gudoomiyay ayaa laga soo saarey war-saxaafadeed lagu sheegay in ciidanka Soomaaliya ay weerar aan ogolaanshu u haysan ka fuliyeen Mandheera, taasina ay jebinayso xeerarka caalamiga ah iyo madaxbanaanida dalkaasi. [Halkan ka akhri warbixinta] 

Ciidan Turkiga uu tababaray oo lagu magacaabo Haramcad, oo dowladda Soomaaliya u daabushay dhawaan qeybo kamida gobolka Gedo, ayaa dagaal kula galay 2-dii bishaan magaaladda Beled-Xaawo ciidanka maamulka Jubaland, waxaana la sheegay inay u tallaabeen dhanka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Gedo iyo Galgaduud ay ka abuurtay xaalado dagaal, kadib markii ciidankeeda ay xoog ku qabsadeen Beled-Xaawo, Doolow iyo Dhuusamareeb, oo horey ugu sugnaa ciidanka Jubaland iyo malleeshiyada Ahlu Sunna.

Labada dal ayaa ka dhaxaysa xilligan xiisad diblomaasiyadeed, taasoo keentay inuu hoos u dhaco xiriirkooda, waxaana ay is dhaafsanayaan eedeymo midba midka kale ku eedeynayo inuu dhulkiisa iyo madaxbanaanidiisa kusoo xad-gudbay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM