Kadib eedeyntii Kenya, Farmaajo oo la hadlay Uhuru Kenyatta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefonka kula hadlay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta xilli xiisadda labada dalka ay cirka isku sii shareerayso.

Villa Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saarey ku sheegtay in labada Madaxweyne ay kawada hadleen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka geeska Africa.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa isla gartay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro, sida ku xusan war-saxaafadeedka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Xiriirka Farmaajo uu la sameeyay Uhuru ayaa yimid kadib markii shalay dowladda Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ku xad-gudubtay xuduudeeda dhuleed iyo madaxbanaanideeda.

Gollaha Amniga Qaranka Kenya kulan uu shalay ku yeeshay Nairobi, oo Uhuru uu shir gudoomiyay ayaa laga soo saarey war-saxaafadeed lagu sheegay in ciidanka Soomaaliya ay weerar aan ogolaanshu u haysan ka fuliyeen Mandheera, taasina ay jebinayso xeerarka caalamiga ah iyo madaxbanaanida dalkaasi. [Halkan ka akhri warbixinta] 

Ciidan Turkiga uu tababaray oo lagu magacaabo Haramcad, oo dowladda Soomaaliya u daabushay dhawaan qeybo kamida gobolka Gedo, ayaa dagaal kula galay 2-dii bishaan magaaladda Beled-Xaawo ciidanka maamulka Jubaland, waxaana la sheegay inay u tallaabeen dhanka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Gedo iyo Galgaduud ay ka abuurtay xaalado dagaal, kadib markii ciidankeeda ay xoog ku qabsadeen Beled-Xaawo, Doolow iyo Dhuusamareeb, oo horey ugu sugnaa ciidanka Jubaland iyo malleeshiyada Ahlu Sunna.

Labada dal ayaa ka dhaxaysa xilligan xiisad diblomaasiyadeed, taasoo keentay inuu hoos u dhaco xiriirkooda, waxaana ay is dhaafsanayaan eedeymo midba midka kale ku eedeynayo inuu dhulkiisa iyo madaxbanaanidiisa kusoo xad-gudbay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM