Khayre iyo Xukuumaddiisa oo lagula taliyay inay is-casilaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ugu baaqey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Xukuumaddiisa inay is-casilaan kadib fashil ku yimid amniga.

Axmed Maclin Fiqi ayaa sheegay in dalka uu qarka u saaran yahay inuu gacanta u galo Al-Shabaab, maadaama ciidamada xoogga dalka ay billaabeen inay soo faarujiyaan aagaga difaaca kadib markii ay heli waayeen Mushaarkooda.

"Waxaa horey loogu fashilmay amniga gobolka Banaadir sababo maamul xumo iyo la xisaabtan la’aan, nin jeclaysi iyo musuqmaasuq la xiriira, waxaana hadda muuqata in cudurkii musuqmaasuga iyo maamul xumadu uu u gudbey ciidamadii dhufaysyada hore ku jiray," ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wato, Axmed Maclin Fiqi ayaa tilmaamay in ciidamada difaacaya qaranka ay daryeel iyo mushaar la’aan ugu darsoontay hadallada aan laga fiirsan ee nabidda iyo run ka sheegid la’aanta xaqiiqda dhabta ah ee ku sugan yihiin ee madaxda qaarkood ay xafladaha uga khudbeeyaan, taasoo dalka u horseedi karta xaalad khatar ah.

"Haddii ciidamadii sanad iyo bar ka hor la qorey aysan diiwaangashanayn, muxuu madaxweynuhu wasaaradda gaashaandhigga waqtigii dheeraa ee uu fadhiyey ka dhex qabanayey?, maxeyse xukuumadda Khayre qabatay haddii dhowr kun oo askari ay ku guuleysan weyday in la diiwaangaliyo mudadaas dheer," ayuu xusay Fiqi.

Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ciidankii ugu badnaa ay kasoo baxeen dhowr fariisin oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. [Halkan ka akhri warka].

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa isagoo ka hadlayay xaflad lagu qabtey Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay bixiso mushaarka ciidamada, islamarkaana aysan jirin Askari aan lacag qaadan mudadii uu xafiiska joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Muddo kororsiga lagu eedeeyay

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashada soo socota.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 07:21AM

Mucaaradka oo Dacwad Ka Gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 05:32AM