Khayre oo sababeeyay baaqashada Farmaajo ee xaflada Aqalka Sare

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta uu Madaxwaynaha uga baaqday munaasabada furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare.

Xafladda oo lagu qabtay xarunta Senate-ka ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalaya marti sharaf kala duwan.

Amniga caasimada ayaa sare loo qaaday, iyadda oo dhamaan wadooyinka la xiray, waxaana lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah.

Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah, ayaa shaaciyay in Farmaajo uu ku seegay munaasabada howlo deg deg gaar ahaan xaalada amni ee wadanka.

"Madaxwaynaha aniga ayuu isoo wakiishay oo ra'iisul wasaarihiisii ah," ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre, kaasi oo madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xili si wayn loo hadalhayo waxa dhaliyay in Farmaajo ka dib dhaco furitaanka kal-fadhiga, xili tahay dastuuri in uu isaga furo.

Sidda ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalku leeyahay, awoodaha uu leeyahay ra’iisul wasaaruhu kaliya waxay ku kooban yihiin in uu kulamo isugu yeeri karo sharcidejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo si ka duwan sidii laga filayay uga jawaabay gefkii weynaa ee Trump u geystay Soomaaliya

Haddalka Xasan Sheekh ayaa muujinaya dabacsanaan diblomaasiyadeed, isagoo dhanka kalena difaacay sharafta dadka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    12-06-2026

  • 08:42PM

Trump oo Markale Weerar Afka ah Ku Qaaday Ilhan Omar iyo Soomaaliya

Trump ayaa warbaahinta u sheegay in Ilhan Omar ay ka timid Soomaaliya, isagoo sawir…

  • Soomaliya

    12-06-2026

  • 05:00AM