Farmaajo oo Faysal "waydiistay" in uu fududeeyo tegistiisa Hargeysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa shaaciyey in hogaamiyaha xisbiga UCID uu madaxweyne Farmaajo si kulul ula hadlay markii ay ku kulmeen caasimadda Belgium.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo degaan doorashadiisu tahay Hargeysa, xusayna in hogaamiyaha dalka uu is-difaacay, ayaa soo bandhigay hadalo ay labadda dhinac isku weedaarsadeen.

Kulanka Farmaajo iyo Faysal Waraabe oo qabsoomay July, 18, 2018, ayaa diiradda lagu saarey wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

"Faysal Cali Waraabe muddo dheer baani is-naqaanay, waa adeerkay, waa muwaadin, qof taariikh badan leh, siyaasi rug-cadaa ah, Brussels waanu isku aragnay waanu ku sheekeysanay," ayuu Mahdi yiri.

Cali Khaliif Galeyr, madaxweynihii Khaatuma State, ayaa qayb ka ahaa is-araga mas'uuliyiinta, oo kadib guux aad u badan abuuray.

Wuxuu raaciyey: "Madaxweyne Farmaajo-na waa is arkeen, markii ay madaxweynaha is-arkeen aniguna goobjoog baan ahaa, si kulul oo adag ayuu madaxweynaha [Farmaajo] ula hadlay".

Mahadi ayaa wuxuu intaas raaciyey: "Waxyaabaha Somaliland tabaneyso ayuu ka hadlay, waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay mar kasta ka sheegtaan ayuu ka hadlay [Faysal Cali Waraabe]".

"Wuxuu ka hadlay wadahadaladii oo uu yiri 'madaxweyne Farmaajow intii aad joogtey ma aysan dhaqaaqin' marka madaxweynuhuna waa is-difaacay wuxuu yiri 'walaalow aynu bog cusub furnee oday Soomaaliyeed baa tahay aniga diyaar baan ahay berrito Hargeysa iigu yeera wadahadalada aan bilowno' is-afgarad iyo guul [buu kusoo dhamaadey], ka odayeeya idinku ayuu yiri. Iyagoo qanacsan oo maqsuud ah oo raba in weji cusub iyo bog cusub ayay[ kala tageen]," ayuu daboolka ka qaadey ku xigeenka Khayre.

Hadalka Mahdi ayaa kusoo aadaya iyaddoo haatan ay taagan tahay dood ku saabsan in Farmaajo booqdo Hargeysa, wallow maamulka Muuse Biixi Cabdi uu gebi ahaanba arrintaas kasoo horjeestay.

Hadalheyntaas ayaa timid kadib markii ay labada madaxweyne ku kulmeen xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, kaasoo ay kawada aqbaleen in uu u kala dabqaado, inkasta oo arrintaas aad loo dhaliilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM