Madaafiic ku dhacday nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , Garowe Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan Shan oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay, kadib markii tiro Hoobiye-yaal ay ku dhaceen saaka maanta oo Axad ah Xaafadaha ku dhow garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in saddex Hoobiye, ay ku dhaceen Xaafadda Danwadaagta, oo ku dhaw Xerada Xalane, oo ah xarunta Taliska Ciidamada AMISOM, oo ku dhinac taalla Garoonka Diyaaradaha.

Dadka ku dhaawacmay madaafiic waxaa ku jira kuwa isku qoys ah, oo caruur iyo haween ay kamid yihiin kuwaasoo loola cararay xaruumaha Caafimaada ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo dusha u ridatay weerarka, ayaa sheegtay in mid kamid ah Madaafiicda uu ku dhacay Gudaha Xerada Xalane, oo ay ku sugan yihiin saraakiil Ajnabi ah, Safaarado iyo diblumaasiyiinta Beesha Caalamka.

Ma jirto wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku aadan weerarka hoobiye ee dadka shacabka ku waxyeeleeyay Caasimadda.

Duqeynta madaafiicda ah ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta Muqdisho looga dabaaldegayay xuska 58-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay midoobeen gobolada Woqooyi iyo kuwa Koonfureed, iyadoo la xiray guud ahaan wadooyinka, lana hakiyay dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka rayidka.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey