Puntland oo midnimo loo muujiyey kadib ismiidaamintii Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay ismiidaamintii xalay fiidkii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu'jir.

Telefishinka ku hadla afka dowlada Soomaaliya ayaa ku waramay in hogaamiyaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu telefoonka kula hadlay madaxweynaha Puntland, kadib falkaas.

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas arxan darrada ahaa," ayuu baahiyey SNTV.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa midnimo wuxuu u muujiyey shacabka Puntland iyo eheladda marxuumka.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Garowe ee caawa. Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u naxariisto. إنّا لله وإنّا إليه راجعون," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.
Xafiiska madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo bayaan soo saarey, ayaa si adag u cambaareeyay falkaas argagixiso, kahor inta uusan tacsi tiiraanyo leh u dirin ehelada marxuumka.

Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo dusha saartay mas'uulka qaraxaas, oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah Garowe.

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay falkaas.

"Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Allah h u naxariistee Guddoomiyahii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu'jir oo u geeriyooday qarax uu fuliyay qof naftii hallige ahaa. Eheladda iyo qaraabada marxuumka waxaan leenahay samir Allah ha idinka siiyo isagana jannadiisa ha geeyo," ayuu ku yiri war qoraal ah.

Bayaanka ayaa raaciyey: "Xisbiga Himilo Qaran Wuxuu cambaareynaynaa aadna uga soo horjeedaa ficillada argagaxisada ee lagu bartilmaameedsanayo Umadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaanna ku boorrinaynaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Puntland inay feejignaadaan ilaashadaanna amnigooda lana shaqeeyaan Hay’adaha qaabilsan nabadgelyada".

"Ugu danbayn waxaan dadkii ku ku dhaawacmay qaraxa Ilaaheen uga baryaynaa inuu bogsiiyo caafimaadna siiyo," ayaa lagu soo xiray qoraalka oo lagu daabacay barta Facebook ee xisbigaas.

Bishii April ee sanadkii 2015-kii, qarax ismiidaamin oo lala beegsaday shaqaale ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Garowe ayaa sababay geerida todoba; shan qof oo Soomaali ah iyo laba ajanabi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM