Madaxweynaha Somalia oo ku dhawaaqay Xaalad dagaal [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo soo xirtay dharka ciidanka qalabka sida, wuxuu  iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Farmaajo ayaa arrinta iclaamiyay kadib markii uu shir-guddoomiyaha kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada dalka oo looga hadlay xaaladda amniga kaasoo ka qabsoomay magaalada Muqdishu.

Shirkaas ayaa sidoo kale Madaxweynuhu  golaha wasiirrada horgeeyay xilal cusub oo u magacaabay mas’uuliyiin loo dhiibay, hogaanka ciidamada iyo gobolka Banaadir.

Maxamed Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlayay Muqdishu, ayaa sheegay in maanta dalka uu galayo xaalad dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, kuwasoo uu ku eedeeyay inay xasuuqayaan shacabka Somaliyeed.

“Waxaan maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxaha argixisada ah. Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay garab siiyaan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida,”Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muddo 60 casho ah u qabtay inay isku soo dhiibaan dhalinyarada la marin habaabiyay ee katirsan ururka Al Shabaab isagoo yiri,” Waxaan sidoo kale cafis u fidinayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku shaqeeya fikrika khaldan ee xaqjirnimada ah. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan. Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan.”

Shacabka ayuu ka codsaday inay la shaqeeyaan dowladda maadama aysan ku filnaan karin dagaalkan,” Walaalayaal dagaalkan ma aha mid dowladda oo kaliya ay ku filantahay. Waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna uga dhigi lahayn meel nabad iyo nolol ay taallo.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii shalay ku dhintay qaraxyadii ka dhacay caasumadda dalka Somalia ee Muqdishu.

“Aniga oo fursaddan ka faa'iideysanaya. waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee ay dhibaatada kasoo gaartay qaraxii shalay. Ma sugi karno in maalin walbo dad shacabka horteenna lagu xasuuqo.”

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxweynuhu uu maanta xilalkii ka qaaday Taliyaashii, Milatariga, Booliiska, Nabad Sugidda, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM