Madaxweyne Farmaajo oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu khudbad u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku wargeliyay inay uu diyaar-garoobaan duulaanka military ee kooxda Al Shabaab looga saarayo dalka.

Farmaajo ayaa kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka, oo kala hadlay arrimaha ciidanka iyo gulufka dagaal ee dalka ka socda.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidanka ku guubaabiyay inay kasoo dhalaalaan mas'uuliyadda ka saaran difaacida dalka iyo soo celinta nabada iyo kala dambeynta, lana ciribtiro Xoogaga Al Shabaab.

Booqashada Madaxweyne ee Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga dowladiisa ugu jirto inay qaado howlgal ballaaran, oo lagu xureynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tagey Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, oo soo waydiistay inay usoo diraan ciidamoo dheeraad ah, oo ka qeyb-qaaata duulaanka cusub.

Dhanka kale, AMISOM ayaa shaacisay maanta in Kun [1,000] Askari kala baxayso Soomaaliya 31-ka bisha December ee sanadkan 2017, iyadoo mas'uuliyadda amniga goobaha ay joogaan ku wareejinayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM