​Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Jeddah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JEDDAH, Sacuudiga - Madaxweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdigiisa ayaa gaarey galabta magaalada Jeddah, ee dalka Sacuudiga.

Wafdi Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Safiirka Sacuudiga u fadhiya Somaaliya, Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad iyo Mas'uuliyiin kale oo Boqortooyada dalkaasi katirsan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo qaadan doonto Mudo labo maalmood, ayaa lagu wadaa inuu Kulamo la qaato Boqor Salman Bin Cabdicasiis, iyo Wiilkiisa, ahna Dhaxal-sugaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, Maxamed Bin Salman.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, ayaa sheegay in Safarka Madaxweynaha uu la xiriiro safaradii hore ee February iyo May ee uu ku tagey dalka Sacuudiga.

Arrimaha looga hadli doono Kulanka Farmaajo iyo Boqor Salman, waxaa kamid ah Dhaqaalaha, Amniga iyo Maalgashiga, sida lagu sheegay War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Somaaliya.

Diyaarad gaar ah oo Boqor Salman usoo diray, ayuu Madaxweyne Farmaajo ku tagey Jeddah.

Lama oga Ajandooyinka Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salman in uu kamid noqon doono Go'aanki dhex-dhexaadnimada ee dowladda Federaalka Somaaliya ka qaadatey Khilaafka Khaliijka.

Wasiirro uu kamid yahay Yuusuf Garaad Cumar, ayaa ku wehliya Madaxweynaha Safarkiisa Sacuudiga, kaasi oo imaanaya xilli Khilaaf Siyaasadeed xooggan uu ka dhex-taagan yahay dowladiisa iyo mamul goboleedyada, kaasi oo salka ku hayo Xiisadaha Khaliijka carabta.

Warsidaha Garowe Online ayaa 17-ka bishan September soo qoray in Madaxweynaha Somaaliya uu u safrayo dalka Sacuudiga, islamrkaana uu la kulmayo Boqor Salman.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM