Malta oo dacwad kusoo oogtay Soomaali 23-sano jir ah

Image

VALLETTA, Malta – Taliska Booliska waddanka Malta ayaa waxay dacwad kusoo oogen Kinaan Cabdinaasir Nuur, oo ah wiil Soomaaliyeed 23-sano jir ah.

Nuur ayaa loo haystaa in uu bishii hore November ku talogalay in uu dilo nin kale oo reer Eritrea ah kadib markii Toorey lagu dhaawacay.

Sidda laga soo xigtay Malta Today, Nuur ayaa Bakri Bashir ku weeraray laba Maqas kahor inta aan isaga si daran loo waxyeeleen.

Dhacdadan ayaa 29-kii bishaan November waxa uu ka dhacay magaaladda Marsa oo ay aad ugu badan yihiin soogalootiga.

Eedeysanaha oo maxkamad lasoo taagay Isniinta maanta ah ayaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin wax dambi ah oo uu geystay.

Sidda ku xusan gal-dacwadeedka, Nuur ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin; in uu ogolaanshiyo la'aan hub watay uuna ku talogalay dil.

Intaas waxaa wehlisa in sidoo kale in Nuur lagu soo oogay dacwad ah in uu horey u geystay fal-dambiyeedyo kale wallow aan la fahfaahin.

Garsooreyaasha oo fadhiga kiiska dib u dhigay ayaa waxay shaaca ka qaadeen in loo baahan yahay caddeymo dheeraad ah.

Qareenka Nuur ayaa tibaaxay in aysan u baahneyn damaanad kusii deyn, maadaama aanna la joojin waqtiga munaasabka ah.

Dhageysiga kale ee kiiska Nuur, oo dhaawac ah, ayaa waxaa la filayaa in fadhiga ee la qabanayo uu noqdo mid go’aan kama dambeys ah looga gaarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM