Malta oo dacwad kusoo oogtay Soomaali 23-sano jir ah

Image

VALLETTA, Malta – Taliska Booliska waddanka Malta ayaa waxay dacwad kusoo oogen Kinaan Cabdinaasir Nuur, oo ah wiil Soomaaliyeed 23-sano jir ah.

Nuur ayaa loo haystaa in uu bishii hore November ku talogalay in uu dilo nin kale oo reer Eritrea ah kadib markii Toorey lagu dhaawacay.

Sidda laga soo xigtay Malta Today, Nuur ayaa Bakri Bashir ku weeraray laba Maqas kahor inta aan isaga si daran loo waxyeeleen.

Dhacdadan ayaa 29-kii bishaan November waxa uu ka dhacay magaaladda Marsa oo ay aad ugu badan yihiin soogalootiga.

Eedeysanaha oo maxkamad lasoo taagay Isniinta maanta ah ayaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin wax dambi ah oo uu geystay.

Sidda ku xusan gal-dacwadeedka, Nuur ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin; in uu ogolaanshiyo la'aan hub watay uuna ku talogalay dil.

Intaas waxaa wehlisa in sidoo kale in Nuur lagu soo oogay dacwad ah in uu horey u geystay fal-dambiyeedyo kale wallow aan la fahfaahin.

Garsooreyaasha oo fadhiga kiiska dib u dhigay ayaa waxay shaaca ka qaadeen in loo baahan yahay caddeymo dheeraad ah.

Qareenka Nuur ayaa tibaaxay in aysan u baahneyn damaanad kusii deyn, maadaama aanna la joojin waqtiga munaasabka ah.

Dhageysiga kale ee kiiska Nuur, oo dhaawac ah, ayaa waxaa la filayaa in fadhiga ee la qabanayo uu noqdo mid go’aan kama dambeys ah looga gaarayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM