USA: Ergo u diri mayno shirka ka dhici doona Copenhagen

Image

November 11, 2014 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan ka qayb geli doonin shir lagu gorfeyn doono waxa ka qabsoomay barnaamijka Higsiga Cusub ee horay beesha caalamku Soomaaliya dhaqaalaha badan ugu balan qaadday, shirkaasoo toodobaadka soo socda ka dhici doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Maraykanka oo nuqul kamid ahi soo gaarey GO ayaa lagu sheegay in Maraykanku ergo uga qayb gasha usoo dirsan doonin shirkaas. Go'aankaas isaga ah waxaa loo sababeeyey khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Dowladda Maraykanku waxay sidoo kale sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka haseyeeshee dadka Soomaaliyeed dani ugu jirin mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala laabto xukuumadda. War-saxaafadeedkaas oo GO soo turjuntey wuxuu u qornaa sidan:

Dowlada Maraykanku waxay cadeyneysaa inay ka walaacan tahay  jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Mooshinka la doonayo in loo gudbiyo baarlamaanka si loogu codeeyo in kalsoonida lagala laabto Ra'iisul Wasaaraha wax dan ahi uguma jirto dadka Soomaaliyeed.

Dowlada Maraykanku dhex dhexaad ayey kasii ahaaneysaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Waxan sii joogteyn doonaa inaan taageerno mabaadi'da heshiiskii Higsiga Cusub, kaasoo ujeedadiisu tahay in la dhiso qaranimada, amniga, dimuqraadiyadda, midnimada iyo Soomaaliya oo federal ah.

Maadaama madaxda Soomaalidu ku kala qaybsameen khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, Dowlada Maraykanku muhiimad weyn uma aragto inay wafdi u dirto shirka looga hadlayo waxa ka qabsoomahay barnaamijka Higsiga Cusub ee todobaadka soo socda ka dhici doonta magaaada Copenhagen.

Waxan kala mideysanahay beesha caalamka in Dowlada Federaalka Soomaaliya lagu dhiiri geliyo sidi ay si buuxda ugu gaari lahayd himiladeeda sanadka 2016 iyo weliba in laga  gudbo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed taasoo caqabad ku ah howsha muhiimka ah ee dalka lagu mideynayo iyadoo la raacayo hanaanka federaalka.

Labo maalmood kahor wafdi ka socda dalka Maraykanka oo wakiilka USA ee Somaaliya hogaaminayey ayaa Muqdisho kulan kula qaatay labada mas'uul ee ugu sareeya Dowlada Federaalka, kulankaas ayaa natiijo la'aan kusoo dhamaaday maadaama Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli ka madax adaygeen inay si dhaqso ah xal ku gaaraan, si gaar ah waxaa taas uga madax adaygay Madaxweynaha oo sheegay in isaga iyo Cabdiwlei Shiikh sii wada shaqeyn karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM