Maxaa ka jira in Madaxda Galmudug lagu heshiisiinayo Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka ugu sareeya Galmudug, sida Madaxweyne Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Carabey, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cali Gacal Casir, ayaa dhamaantooda waxay ku sugan yihiin Muqdisho, sida uu Garowe Online ogaaday.

Mas'uuliyiintan is-maandhaafsan ayaa waxaa u yeertay Xukuumadda Soomaaliya, oo kaashaneysa Beesha Caalamka iyo Wax-garadka Galmudug, si xal waara looga gaaro khilaafka soo noq-noqday kaasi oo markale labo garab u kala qeybiyay, si aad ahna u sameeyay howlaha maamulka mudooyinkii dambe.

Illo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa GO u dusiyay xog ku saabsan in saacadihii lasoo dhaafay uu kulamo gaar-gaar ah ku dhex-maray mas'uuliyiintaan magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay sidii looga gudbi lahaa is-mariwaaga taagan.

Waxa ugu badan ee miiska saaran ee laga doodayo ayaa ah arrinta ay ka gadoodeen Garabka ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka ah oo ah Hanaanka awood-qeybsiga ee lagu gaarey Jabuuti, kaasoo ay sheegeen in la baal-maray.

Sidoo kale, qodobadda kale ee laga wada xaajoonayo waxaa kamid ah Dastuurka oo Garabka Cadaado ku sugan uu ku doodayo in wax ka bedalay lagu sameeyay, islamarkaana Madaxweyne Xaaf uu mudo kororsi ku sameystay mudada Xil-hayntiisa.

Dastuurka cusub ee la anxsixiyay waxaa ku xusan in Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu xilka sii hayn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo laga soo billaabayo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna bishii January ee sanadkan.

In Magaalada Cadaado ay noqoto caasimada Baarlamaanka Galmudug taasoo dood badan ay ka taagneyd ayaa sidoo kale qeyb ka ah waxyaabaha la doonayo in shirarkan ka socda Muqdisho go'aan iyo heshiis rasmi ah looga gaaro.

Macluumaadka uu helayo GO ayaa tilmaamaya in Xaaf uu diyaar u yahay in xal laga gaaro khilaafka madaxda maamulka uu hogaamiyo, islamarkaana uusan dib dambe usoo noqon xasaradaha siyaasadeed ee ragaadiyay Galmudug.

Dhamaan qodobadaan hadda muranku ka taagan yahay ayaa waxay ahaayeen kuwa lagu heshiiyay markii ay midoobayeen Ahlu Sunna iyo Galmudug, marka laga reebo waxka bedalka la sheegay in lagu sameeyo Dastuurka.

Garabka uu hogaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cabdi Xaashi Carabeey ayaa waxay ku doodayaan in la baal-maray heshiiskii Jabuuti, halka dhinaca kale oo uu Xaaf hor-boodayo sheegaan in aysan waxba ka jirin eedeymahaasi.

Lamana oga waxa kasoo bixi kara dhex-dhaxaadintaan cusub, balse waxaa xusida mudan in Galmudug hogaankeeda horey u qaadacay Shir ay ku baaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM