Mid kamid ah hishiiskii Somalia iyo Kenya oo la dhaqan-galiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mid kamid ah hishiiisyadii ay kala saxiixdeen dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Xaflad ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu, ayaa Khayre ku daah-furay in duulimaadka Caasumadda Somalia iyo Nairobi ay noqdaan mid toos ah.

Waxaa meesha laga saaray safarkii lagusii mari jiray Garoonka diyaaraha magaalada Wajeer oo ay dhibaato badan kala kulmi jireen shacabka Somaliyeed.

Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo fura xadka labada dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007, sababo dhinaca ammaanka ah iyo Weerarada Kooxda Al shabaab.

Muddo Hal bil gudaheedah ah oo laga soo billaabo 24-ka Maarso, ayay isku afgarteen Farmaajo iyo Uhuru inay dib u furaan marinada xadka labada dal ee Beled-xaawo, Mandheera, Libooy iyo Doobley.

Kulankii Farmaajo iyo Uhuru wuxuu furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, iyadoo Kenya ay u muujisay dowladda cusub ee Soomaaliya dabacsanaan, wada-shaqeyn iyo saaxibtinimo joogto ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM