Mooshin ka dhan ah Farmaajo oo lagu diyaarinayo Muqdisho [XOG]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ay wadaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah madaxda sare ee dowlada Soomaaliya kuwasoo si gaar ah u diyaarinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Macluumaad hoose oo Warsidaha Garowe Online helay ayaa sheegaya in Xildhibaanadan ay qorsheynayaan in mooshinka geeyaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka kahor inta uusan xirmin kalfadhigiisa 2aad 16-ka December, 2017 tasoo ku beegan maalinta Sabtida soo socta.

Garowe Online ayaa ogaadey in Mooshinka ay dabada ka riixayaan koox Xildhibaano ah oo ka-kala tirsan dhinacyo siyaasadeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho kuwasoo ku mideysan diidmada hogaaminta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaarihiisa Xasan Cali Khayre.

Magaaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda kuwasoo ay wadaan xildhibaanada diyaarinaya mooshinka iyo kuwa diidan waxayna kala xood-xoodanayaan mudanayaasha Baarlamaanka, gaar ahaan xubnaha ka tirsan Aqalka hoose.

Xildhibanada Mooshinka wada ayaa waxay ka kala tirsan yihiin dhinacyada siyaasada ee kala ah: Siyaasiyiin ay hogaaminayaan xubno ka tirsanaa dowladii Xasan Sheekh oo u xuubsiibtey xildhibaano ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana la yiraahda Qabyo; Xildhibaano ka tirsan urur siyaasayasadeed la yiraahdo Daljir kuwasoo aaminsan iney gacan ka gaysteen doorashadii Madaxweyne Farmaajo balse saluugsan qaabka loo qaybsadey dhismaha golaha xukuumada, gaar ahaan xulshadii Ra'iisal wasaare Khayre; Xildhibaano uu hogaaminaya Mudane ka tirsan aqalka hoose ee Baarlaamanka kana mid ahaa musharaxiintii doorashada ka dhacdey Soomaaliya Febuary 8; Siyaasiyiin uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey wasiir uga soo noqday xukumadihii dowladda Sheekh Shariif, musharaxna ahaa doorashadii lagu doortey Madaxweyne Farmaajo.

Koxahan oo rumeysan aragtiyo kala duwan oo siyaasadeed ayaa sida wararku sheegayaan qaar ka tirsan waxay raadinayaan in mooshinkan ay kaga takhalusaan Madaxweynaha Soomaaliya halka kuwo kalena doonayaan in khalkhal siyaasadeed kadib Mudane Farmaajo gorgortan siyaasdeed kula galaan inuu badalo Ra'iisal wasaare Khayre.

"Way adag tahay in mooshinkan ku guuleysto in xilka lagaga qaado Madaxweynaha talada haya balse waxaa xoogan in ugu dambeynta dhinacayada dabada ka riixaya gorgortan siyaasdeed ku galaan sidii loo badali lahaa Ra'iisal wasaare Khayre oo ay mucaradad xoogan kaga furan tahay siyaasiyiinta Hawiye," sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xildhibaan ka tirsan dhinacyada saxiixa u raadinaya in mooshinkan la geeyo aqalka hoose ee Baarlamaanka oo diidey in magaciisa aan xusno.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta aan ka tirsaneyn Baarlamaanka Soomaaliya balse mooshinkan daba ka riixaya sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa gacan-saar siyaasadeed la leh Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya 'Cumar Cabdirashiid' oo hadda ah mudane ka tirsan aqalka sare ayaa raadinaya in xilkaan laga tuuro Madaxweyne Farmaajo iyagoo doonaya in doorasho kale dalka dib uga dhacdo si xilkan ugu guuleystaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wararku sheegayaan in gorgortan siyaasdeed kula jiro siyaasiyiinta Muqdisho isagoo u sheegaya in hadii qorshihiisa siyasadeed guuleysto xilal siinayo.

Siyaasigan ayaa doonaya in hadii uu ku guuleysto loolankiisa iyo mooshinka socda uu doonayo inuu dalka ka noqdo Ra'iisul wasaare isagoo madaxweyne u wata siyaasiyiin ay gacan-saar leeyihiin.

Lama oga mowqifka madaxda maamulada Soomaaliya kuwasoo dhowaan kulan ugu soo dhamaadey magaalada Muqdisho iyadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in qaarkood xirir hoose la leeyhiin xildhibaanada dabada ka riixaya mooshinka.

Madaxda sare ee ee dowladda ayaan si toos ah uga hadlin dhaqdhaqaaqyadan siyaasdeed ee lidka ku ah iyo mowjadaha kusoo wajahan, marka laga reebo khudbado ay meel kala duwan dhawaan ka jeediyeen Ra'iisual wasaare Khayre iyo qaar ka tirsan xukuumadiisa oo ku difaaceen shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM