Mudaharaad Rabshado watay oo ka dhacay Laas-caano

Image

GAROOWE, Puntland- Mudaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool, halkaasoo maamulka Somaliland muddooyinkii dambe uu ku daabulayay ciidamo Booliis ah.

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeda xukuumadda Somaliland, waxaana dhigayay bulshada ku dhaqan degmadaas oo sheegay inaysan doonayn xukunka maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dibad-baxaas, waxaan cusbitalka guud ee Laas-caano la dhigay sideed qof oo qaba dhaawacyo kala duwan sida ay xaqiijiyeen wariyaal tagay goobtaas. 

Tallaabadaas ayaa keentay in Somaliland xabsiga dhigto wariyaal iyo dadweyne kala duwan oo ay ku eedeeyeen inay ka qayb qaadanayaan dhibaatada ka socota magaalada Laas-caano.

Goob jooge la hadlayay Radio Garoowe, wuxuu sheegay in mudaharaadkan uu maalmahan taagnaa, balse uu xoogaystay kadib markii Somaliland ay sheegtay in degmada ay keenayso niman caddaan ah oo dadka weydiinaya aragtidooda ku aadan maamulka ay doonayaan.

Warar ayaa sheegaya in Cali Khaliif uu hormuud u yahay wafdi kusoo wajahan Laas-caano kuwaasoo shacabka gobolka kala hadli lahaa xiisaddan.

Qaar kamid ah shacabka Laas-caano oo warbaahinta la hadlayay waxay sheegeen inaysan u dulqaadan doonin caburtin iyo dhibaataynta ay wado Somaliland, waxayna taageero u muujiyeen Puntland iyagoo soo dhaweeyay dhaq-dhaqaaqyada ka socda Tukaraq.

Puntland ayaa horay ugu eedaysay Somaliland in degmada Laas-caano ay ka wado caburin shacab iyo xarig sharci darro ah.

Jiif Caaqil Cabdirisaaq Jaamac Cabdi Bile, oo kamid ah Barlamanka Puntland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe ku sheegay in ciidamada Somaliland degmada Laas-caano ku xireen dad shacab ah.

Guddiga Difaaca Puntland oo iyaguna maanta shir saxaafadeed qabtay waxay sheegeen in dagaalkan uu socon doono inta ay gacan buuxda ku dhigayay dhamaman xuduudda Puntland.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli xaaladda labada maamul ay xuntayay kadib dagaalo khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Tuulada Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM