Nuur Cadde: Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo u dhintay Covid-19

Image

LONDON, UK - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Nuur Cadde, ayaa magaaladda London ugu geeriyooday fayruska Corona, sidda uu ku dhawaaqay qoyskiisa.

Xaaji Maxamed Nuur Cadde, oo ah wiil uu dhalay marxuumka, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa sheegay in aabihii uu dhintay abaare todobadii aroornimada, xiliga Geeska Afrika.

Sidda ku xusan bayaanka, waxay "qadarta ALLE ugu timid" isbitaalka Kings College ee ku yaala koonfurta caasimadda Britain, halkaas oo uu ku jiray tan iyo markii cudurka laga helay.

Nuur Cadde, oo ku biiraya liiska shaqsiyaadka caanka ka ah Soomaaliya kuna nool qaarada Yurub ee fayruskaas uu galaaftay, ayaa xanuunka uu soo ritay 17-kii bishii hore ee Maaj, 2020.

"Waxaan ugu baaqeynaa Ummadda Soomaaliyeed in ay nagu kaalmeeyaan Ducada, innagana Sabir iyo iimaan Allaah naga siiyo," ayuu Xaaji Maxamed raaciyey hadalkiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu carabka ku dhuftay "sidda ay qabto shareecada Islaamka" loogu aasi doono isla gudaha magaala madaxda London kahor inta aan jirkiisa la dhaqin.

Marxuumka, oo ifka kaga tegay caruur tiro ahaan badan iyo xaas, ayaa wuxuu wasiirka koowaad ka ahaa dowladdii ku meel gaarka ahayd intii u dhaxeysay 2007-dii illaa iyo 2009-kii.

AU Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayuu lasoo shaqeeyay. Dhinaca kale, mas'uuliyiin sar-sarre ayaa durba ka tacsiyeeyay geeridiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM

Mudo-kororsiga Xasan Sheekh oo dhaawacay xiriirka Villa Somalia iyo Deeq-bixiyayaasha

Deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo dhex-dhexaadiyo dowladda Federaalka, maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 05:44AM