Ganacsadde caan ah oo lagu toogtay magaaladda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa fiidnimadii Axadda xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca ku toogtay Oday dhaqameed si weyn loo yaqiinay.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciidamadda ammaanka ay falka kadib baaritaano ka bilaabeen aagaas.

Xaaji Saciid Ciise Adoon, xubin ka tirsanaa ergaddii doorashadda ahaana ganacsadde ayaa dilkii wuxuu noqonayaa midkii ugu dambeeyay ee lagu beegsanayo Salaadiinta dowlad goboleedka Jubbaland.

Gacan ku dhiigleyaasha falka sameeyay oo durba meesha ka baxsaday ayaa lagu raad-jooga, sidda uu sheegay Taliska Booliska magaaladda oo si kooban ula hadlay mareega GO.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Hase ahaatee, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Mas'uuliyiinta maamulka xaruntiisu tahay Kismaayo oo cambaareeyay beegsiga mas'uulkan ayaa tacsi waxay u direen eheladda marxuumka oo ay u rajeeyeen bedel fiican.

Waa falkii labaad oo ka dhan ah Nabadoonadda oo kaliya Soomaaliya ka dhaca muddo 24-saac gudaheeda ah. Ibrahim Maxamed Ibraahim ayaa lagu khaarijiyey magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo Dalbatay in Lala Xisaabtamo Turkiga Kadib Duqeyntii Guriga Taliye Shub ee Doolow

Bayaan uu soo saaray Jubbaland ayaa sidoo kale ugu baaqay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    04-09-2026

  • 08:56AM

Suudaan oo Soomaaliya u noqon karta digniin ku saabsan faragelinta shisheeye

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddo-xileedkiisii afarta sano ahaa…

  • Soomaliya

    04-09-2026

  • 08:34AM