Qarax ay ku dhaawacmeen "8 qof" oo dad lasoo xiray

Image

GAALKACYO, Galmudug – Inta la xaqiijiyey sideed qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii miino lagu qariyey fuusto qashin taala banaanka xarunta dowlada hoose ee koonfurta Gaalkacyo ay Axada maanta ah qaraxdey.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekkh Xasan, ayaa sheegay in dadka waxyeeladda soo gaartey isugu jiraan rayid iyo askar. Ciidanka waxaa la wariyey in ay kamid ahaayeen ilaaladiisa.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dhanka amniga, Cabdiraxmaan ayaa xilliga uu falku dhacayey wuxuu ku jiray xarunta dowladda Hoose.

Isaga oo warfidiyeenka u waramay qaraxa kadib, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in howlgal ay ciidamaddu sameeyeen lagu soo qabtay afar ruux.

"La tuhunsaneyaasha waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan iyaddoo cidii aan la hayn wax dambi ah lasii deyn doonto, qofkii ay ku cadaatana waxaa la marsiinaa habraaca sharciga xeerinayo," ayaa laga soo xigtay Xasan.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkaas, wallow dhankooda aysan wali dusha u ridan.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo haatan ku sugan caasimadda Puntland ee Garowe lagu waddo in uu gaaro Gaalkacyo, socdaal qeyb ka ah safarkiisa gobolada.

Rooble ayaa xal u goobaya is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21. Inta illaa haatan la og-yahay, qorshihii uu u tegay Garowe ayaa wajahaya weji gabax markii madaxweyne Deni ku adkeystay fulinta heshiiskii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM