Qarax culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyoodey, saddex kalena way ku dhawaacmeen qarax culus oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhashay Miino, ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiidka AMISOM xilli ay marayeen Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga xaruntii hore ee Jaalle Siyaad, oo ku dhaw wasaaradda Gaashaandhigga.

Sida ay dad Goob-joogiyaal ah u xaqijiiyeen Warsidaha Garowe Online, mid kamid ah baabuurta AMISOM ayaa ku burburay qaraxa, iyadoo khasaarooyin kala duwan uu gaaray askartaa saarnayd, inkastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha.

Ciidamda qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay inay u dhasheen dalka Burundi, kuwaasi oo degan xarunii hore ee Jaalle Siyaad.

Qaraxa kadib, ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kasoo ruqaansaday Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa goobta gaarey, kuwaasi oo wadada mudo daqiiqado ah xiray.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa kuu dhintay qaraxa, halka saddex kale oo wadada maraysay ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loola cararay Isbitaal.

Ma jirtco cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, balse waxaa loo maleynayaa Al Shabaab, oo looga bartey falalka noocan ah inay ka fuliso magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM