Qof Soomaali ah oo Masar ugu geeriyooday fayruska Corona

Image

KHAAHIRA, Masar – Qof Soomaali ah ayaa dalka Masar ugu geeriyooday caabuqa Coronavirus, sidda ay maanta baahisay Warbaahinta Qaranka.

Sidda ku xusan warbixinta, shaqsigaas oo yimid waddanka Mareykanka ayaa ku dhintay magaaladda caasimadda ah ee Khaahira.

Wallow telefishinka dowladda uusan shaacin magaca ruuxaas, muddo todoba cisho ah ayuu ku waramay in uu ku sugnaa dalkaas.

Geerida muwaadinkaas ayaa waxay kordhineysaa tiradda Soomaalida wadamada caalamka ugu dhimaneysa fayruskaas sidda fudud ku faafa.

Sweden iyo Ingiriiska ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen in ka badan tobban Soomaali ah, iyaddoo tirro kale ay isbitaalada ku jiraan.

Gudaha Masar, waxaa la xaqiijiyey in ka badan 500 kiis oo Covid—19 ah. Dhimashadda waxay ka badan tahay 20 ruux.

Saraakiil sar-sarre oo ka tirsanaa milatariga Masar ayaa kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu galaaftay xanuunkaas aafeeyay dunida.

Dowladda Masar ayaa soo rogtay bandow balaaran, iyaddoo la ganaaxay xarumo ganacsi oo boqolaal gaaraya kuwaasoo jebiyey amarka xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM