Qoraalkii NISA oo la sheegay in lagu "soo jiidanayo" dano shisheeye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan qoraalkii NISA ku sheegtay in weerarkii Ex-kontarool Afgooye uu qorsheyntiisu lahaa dal shisheeye.

War-saxaafadeed ku qoran English oo kasoo baxay xisbiyadda mucaaradka ayaa bayaanka hay'adda sidoonka ku sifeeyay "mid lagu daboolayo xaqiiqadda dhabta ah ee is-miidaaminta".

Bayaankan uu warsidaha GO arkay ayaa "ujeedada" hadalka hay'adda ku qeexay "soo jiidashadda dano shisheeye oo ku lug leh loolanka juqraafi siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya".

Warka qoraalka ah ayaanan lagu soo bandhigin magaca dhinacaas.

"Ujeedada labaad waa in si khiyaano ay ku jirto loo qaboojiyo carrada shacabka ka qaadey dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka dhashay fashilka hay’adda ee ah in ay ururiso macluumaad sirdoon oo ka hortagi karay weerarkaas," ayay ku dartay warqadda oo ku taariikheysan 1-da January, 2019.

Qoraalka ayaa "ceeb" ku tilmaamay "ujeedooyinkaas ay xambaarsaneyd" warbixinta 'bilowga ah' hay'addu sheegtay in ay u gudbisay madaxda sarre ee dalka.

Madasha oo sheegtay "in ay ka xun tahay hab-dhaqankaas" ayaa ku waanisay Wasaaradda Amniga Soomaaliya in ay ka fogaato baahinta "warar marin habaabin iyo abuurista cadow aanan jirin".

30-kii December, 2019, NISA ayaa qaraxaas oo noqday midkii 3aad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda Soomaaliya la xiriirsay dal shisheeye saacado kadib markii wargeys Turki ah ku eedeeyay Imaaraadka.

Dhacdadaas oo dadka ku naf-waayey badankooda ay shacab yihiin ayaa dibadda u soo saarey jahwareerka hay'addaha dowladda Farmaajo maadaama madaxweyne Farmaajo si rasmi ah ugu eedeeyay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM