Rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Dhowr xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay howlgal iyo dagaal ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

Saddex dagaalyahan ayaa Al Shabaab looga dilay weerar ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Booliska Afgooye ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-Shabaab oo uu dagaal dhexmaray mudo 10 daqiiqo ah sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha ayaa xusay in weerarka ay ka warhayeen, islamarakaan u diyaar garoobeen taas oo keentay in ay dilaan Saddex ka mid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Afgooye.

Al Shabaab dhankeeda kama aysan hadlin khasaaraha kasoo gaarey dagaalka Afgooye, kaaso oo kusoo beegmaya xilli Mareykanka uu shalay sheegay in 2 dagaalyahan uu ku dilay duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Mubaarak. Halkan ka akhri.

Dhanka kale, wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay weerar ay ku qaadeen shalay gelinkii dambe saldhig Al Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Ceel Waaq.

Duulaanka oo ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxaa lagu diley afar katirsanaa Al Shabaab oo lagu duqeeyay saldhig ay ku leeyihiin dhu buuralay ah oo ku yaalla waqooyiga Ceel Waaq.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen nin halis ah oo kasoo baxsaday G/Hiiraan

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanaha ayaa ka baxsaday goobta dhacdadu ka dhacday kadib weerarka.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:05AM

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM