Rooble oo looga digay in uu fuliyo damac uu Khayre ka diidey Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu waaniyey in uusan noqon aalad uu Farmaajo u adeegsado ololihiisa dib u doorashada damacaas oo Xasan Cali Khayre uu ku gacan-seyray.

Maxamed Xuseen Rooble oo 57 jir ah ayaa shalay si aqlabiyad leh u helay kalsoonida Golaha Shacabka, waxaana looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumad dardargelisa howlaha baaxada leh ee hortabinta leh.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ugu baaqay Rooble in uu ka fogaado u jaran-jeerashada Madaxtooyada Soomaaliya.

Gaas oo horey u soo qabtay xilka ra'iisul wasaaraha waddanka ayaa ku tartarsiiyey wasiirka koowaad ee federaalka in uu dhexdhexaad noqdo.

Wasiirada xilka sii haya ayuu kula taliyey in uu dib ugu soo celiyo, talaabadaas oo uu qeexay in ay meesha ka saareyso waqtigii uga lumi lahaa soo xulashada xubno cusub iyo in ay la qabsadaan mas'uuliyadda loo idmaday.

Mid kamid ah shaqooyinka loo baahan yahay in uu si wax ku ool ah uga shaqeeyo Rooble waa doorashooyinka 2020-21 iyo fulinta heshiiska siyaasadeed ee dowlada federaalka ah iyo maamulada ku gaareen magala madaxda.

"Aniga sidday ila tahay marka laga hadlo arrinta doorashada waxaa laga rabaa meesha ra'iisul wasaaraa joogay nasiib darro isagoo waqtigiisa dhameysan ayuu baxay [Rooble] waxaa laga rabaa in uu madaxweynaha si daacadnimo ah ugala shaqeeyo wixii danta dalka iyo dadka ay ku jirto, dhanka kale waa in uusan u ekaan nin [fulinaya] howshii uu qaban waayay ama uu diidey Khayre. Waxaan kawadaa ma garaneyno Khayre sababta uu u diidey oo uu u tegay laakiin waxaan u maleynayaa damac is-diidan in ay tahay ayaan u maleynayaa," ayuu ka dhawaajiyey.

Khayre iyo Farmaajo ayaa la fahansan yahay in ay ku kala tageen qabashada doorashada iyo ra'iisul wasaarihi 19aad oo u han-qal-taagaya kursiga ugu sareeya dalka taasoo soo baxdey markii 25-kii July uu eryay baarlamaanka.

Gaas ayaa ku daray: "Marka waa in uusan u ekaan nin fulinaya damac qofeed laakiin u ekaado nin madaxweynihiisa daacad u ah danta dalka wixii ku haboon kala shaqeynaya, laakiin haddana independent ah [madax-banaan ama faragelin la'aan] oo shaqada hortaala sida ku haboon u gudanaya".

Magacaabida guddiga dowlada iyo maamulada ee doorashada soo aadan ayuu soo jeediyey in la dedejiyo, isagoo hoosta ka xariiqay in hadii si wadajir ah looga wadashaqeeyo qabashada coddeynta uusan imaan karin ku darsi.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya wuxuu dhamaanaa November, 2020, halka laanta fulinta uu ka dhacayo 2021, taasoo ka dhigan in xil-heyntooda dastuuriga ah ay uga harsan yahay in ka badan 100 maalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM