RW Khayre oo joojiyay Warqad lagu soo xiri lahaa Wasiir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa soo farageliyay xiisad ka taagnayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Zoobe [KM-5], ee magaalada Muqdisho.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay amar maxkamadeed, oo lagu soo xirayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa'uud, kaasoo saaka ay ay Xafiiskiisa ugu tageen Ciidamo Boolis ah.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in la xaliyay murankii ka dhashay isku daygii ciidamada ku doonayeen inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka, kadib markii uu Khayre soo dhexgalay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Bashiir, ayaa dib u celiyay ciidankii wasaarada tagey markii uu lasooa hadlay Ra'iisul Wasaaraha, waxaana wasiir kuxigeenka loo fasaxay inuu shaqadiisa dib ugu laabto.

Wali Xukuumadda Khayre fahfaahin kama aysan bixin sababta loo doonayay in lasoo xiro Wasiir ku xigeenka, xilli uu Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibadda ka maqan yahiin magaalada Muqdisho.

Rasaas ayaa laga maqlay xarunta Wasaaradda kadib markii ay ilaaladiisa ay is hor-taag ku sameeyeen xarigiisa, taasoo keentay in xiisad ay ka dhalato, taasoo mudo saacado ah ka taagnayd Wasaaradda. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM