Sababta ka dambeysa xiriirka uu Farmaajo u gooyay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa gaarey go'aanka uu xiriirka ugu gooyey Kenya isaga oo fulinaya dalab kaga yimid hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, sidda Garowe Online u sheegeen illo diblumaasiyadeed.

Codsiga ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Isaias Afwerki ayaa salka ku haya in xiisadda Muqdisho iyo Nairobi ay noqoto ajendaha ugu weyn ee shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD loogana weeciyo colaada gobolka Tigray.

Abiy ayaa 13-kii December, 2020 wuxuu Addis Ababa ku qaabilay dhigiisa Suudan, Cabdalla Xamduuk kaasoo ah shir-guddoonka IGAD. Labada hogaamiye waxay isku fahmiwaayeen in ajendaha ugu weyn ee shirkooda soo aadan laga dhigo Tigray.

Suudaan waxaa si ba'an u sameeyay colaada. Kumanaan qaxooti Itoobiyaa ah ayaa waddankaas u qaxay in ay bilowgii dagaalada bishii hore ee November. Xaalada gobolka gaar ahaan marinta gargaarka caalamiga waa mid aad u adag.

Intaas waxaa wehlisa, warbaahinta caalamiga ah ayaa loo diidey in ay gudaha u galaan ismaamulka. Inkasta oo kalkii dambe lasoo celiyey, tan iyo markii dagaalku qarxay, isgaarsiinta iyo khadadka internet-ka wuu ka maqnaa ismaamulkaas.

Sidda ay warbixinadda qeexayaan, Abiy ayaa ku gacan-seyray soojeedinta Xamduuk oo ahayd in qadiyada colaada Tigray looga doodo fadhiga ay u balansan yihiin madaxda IGAD, isaga oo ku adkeystay in dagaalka uu soo gabagaboobay.

Kadib is-aragaas natiijo la'aanta kusoo dhamaadey, sidda ay GO u xaqiijiyeen illo loo qaateen, Abiy iyo Afwerki ayaa ku booriyey in uu xiriirka diblumaasiaydeed u jaro Kenya "si loo macno tiro colaada Tigray oo dunida si weyn u xiiseyneyso".

Tani ayaa la macno ah in Farmaajo uu ku shaqeynayo tilmaamta madaxda Itoobiya iyo Eritrea, talaabadaas oo meel ka dhac ku ah mas'uuliyada uu hayo.

Farmaajo oo ololihii doorashada 2016 ku galay "in Itoobiya ay tahay cadowga Soomaaliya" ayaa ku fekeraya in xagaagan ciwaankiisa ka dhigaya Kenya.

Shir-madaxeedka IGAD ayaa loo madalsan yahay in Jimcada maanta ah uu ku qabsoomo Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasoo madaxweyne Farmaajo uu kamid yahay hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ah Urur Goboleedka ee kasoo muuqaneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM