Saraakiil uu Turkiga tababaray oo lagu dilay dagaalka DF iyo Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Laba kamid ah saraakiisha booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu dilay dagaalka Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Cabdi Xuseen Cabdullaahi iyo Saabir Ugaaska ayaa ku naf-waayey isku dhaca laga soo wariyey magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Dagaalka oo Jimcadii ka qarxay caasimadda Galmudug ayaa leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 20 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku ku geeriyootay dagaalka, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid markii Ciidamda Dowladda Soomaaliya ay weerareen xarunta INJI, oo ah fariisnka ugu weynee Culimaa'udiinka Ahlu Sunna.

Cabdullaahi iyo Ugaaska ayaa la sheegay in midkood uu u dhintay dhaawac soo gaarey. Haramcad waxaa loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab.

Mucaaradka ayaa horey uga digay in ciidamadda loo tababaray Dowladda loo adeegsado maquuninta xubnaha kasoo horjeeda xukuumada uu mudada xileedkeedu gabaabsiga yahay.

Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ayaa isku haya doorashooyinka madaxtooyadda Galmudug oo ay ka dhasheen madaxweyneyaal ku kala sugan koonfurta Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo soo tarxiilay dhalinyaro Soomaali ah

Dhalinyarada Muqdisho lagu soo celiyay ayaa la sheegay inay isugu jiraan 25 wiil iyo 25 gabdhood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 11:51AM

Turkiga oo Xoojinaya Joogitaankiisa Militeri ee Soomaaliya si uu u Ilaashado Maalgashigiisa

Joogitaanka Turkiga ayaa si gaar ah xoog ugu yeeshay dhinaca amniga. Ankara waxay Soomaaliya ka dhistay xerada TURKSOM ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 06:05AM