Shariif Xasan Aadan oo loo diiday in uu safro Baydhabo

Image
Is-hor istaagga Shariif Xasan ayaa ah amar kasoo baxay madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Axada maanta ah loo diiday in uu safar ugu baxo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Is hor istaagga lagu sameeyay Shariif Xasan ayaa ah amar kasoo baxay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen si loogu diido u tartamidda Kursiga HOP#261 oo uu ku fadhiyo Wiilkiisa Cabdulqaadir Shariif Xasan.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo deegaan-Doorashadiisu tahay Koofur Galbeed ayaa nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad-Goboleedkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Adiga oo shacab ah madaxweynihii ku soo dhoweeyey xildhibaana kaa soo dhigay, maanta adigoo madaxweyne ah inaad u diido inuu yimaado magaaladii uu madaxweynaha ka ahaa, ceeb iyo gunnimo ka weyn ma jirto. Ma waxaad sugaysaa beri in gobanimo laguula dhaqmo?” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Shariif Xasan ayaa ku biiraya siyaasiyiin iyo madax kala duwan oo dalka xilal kasoo qabtay & kuwa haya oo laga hor istaagay in ay tagaan Deegaan-Doorashadooda si ay uga qaybgalaan Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Doorashada ka socota Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa waxaa hore logu diiday inuu u safro magaalada Baraawe guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka CabdiWali Muudeey,si uu ugu tartamo kursi uu horey ugu fadhiyay.

Wasiirka 1aad ee xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xusee Rooble ayaa September 2021 sheegay in uu la xisaabtamayo ciddii is hor istaag ku sameysa safarka muwaadiniinta daneyneysa ka qaybgalka Doorashada ka socota Dowlad-Goboleedka balse waxaa la sugayaa jawaabta uu ka bixiyo.

Talaabada uu qaaday Cabdicasiis Laftagareen oo 2018 ku soo baxay doorasho dhiig ku daatay oo Farmaajo ku lug lahaa ayaa falanqeeye-yaashu fahamsanyihiin in Laftagareen oo damac uga jiro gudoonka golaha shacabka oo go’aansaday in uu meesha ka saaro Shariif Xasan iyo Prof Jawaari oo horay u soo noqday gudoonka golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM