Shir ka furmay Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay DF

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa magaalada Kismaayo ka furmay shir u dhaxeeya hay’addaha amniga ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo ka hadlay kulanka kaasi oo ay kasoo qaybgaleen wasiiradda amniga maamul goboleedyadda iyo taliyaasha ciidamada, ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta muhiimada ay leedahay midaynta gulufka ka ah Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay ka gaabisay hogaaminta olalaha dalka looga saarayo meelaha ay haatan ka haysto kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, isaga oo xusay inay ku mashquushay siyaasadda.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa intaas ku daraya in madaxda Villa Soomaaliya ay ku diirada saarayaan burburinta nidaamka Federaalka dalka, taasi oo uu qaatay wadanka wixii ka dambeeyay dowladii ku meel gaarka ahayd.

"Al-Shabaab hoos udhac ayaa ku yimid, balse dowladda uma soo jeedo in laga xorreeyo dalka. Siyaasadda iyo doorashooyinka maamul goboleedyadda ayey ku mashquulsan iyo burburinta Federaalka," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shirkaan oo maalmo socon doona ayaa ujeedkiisu yahay sidii ay ciidamo isku dhaf ah usameysan lahaayeen dowlad goboleedyadda iyo qaabka loo marayo, xili ay soo jeedin doonan ka qaybgalayaasha afkaaro ku qotonta arrintaasi.

Sameynta ciidamo gaar ah oo ay leeyihiin maamul goboleedyadda ayaa qayb ka ahayd qodobadii ay Madasha Iskaashiga isku raacday shirkii Garowe, kaasi oo ay sidoo kale ku sameysteen Xisbi siyaasadeed oo ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM