Shirka caalami ah oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa maanta oo Arbaco ah shir gudoomiyay Shir caalami ah oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada Dowlada Federaalka, oo uu kamid yahay Wasiir Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, madax ka socota maamullada iyo beesha caalamka, ayaa diiradda lagu saaray labo arrimo muhiim ah.

Waxaa looga hadlay Shirka oo ka dhacay Caasimadda Mashaariicda horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shir ku saabsan amniga Soomaaliya oo ka dhici doona dabayaaqada bishaan dalka Belgium-ka.

Shirka Belgium-ka ayaa waxaa uu dhacayaa inta u dhaxeysa 25-ka illaa iyo 26-ka bishaan June ee 2018, waxaana uu daba socdaa kulan bishii hore uu uga qeybgalay dalkaasi, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Qodobada kasoo baxa Shirka maanta ka qabsoomay xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho ayaa waxay gogol-xaar u noqon doonan midka ka dhici doona magaalada Brussels.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa khubdadiisa furitaanka ku sheegay in dowlada hadda jirta ee uu hogaamiye Farmaajo ay ka go'an tahay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay beesha caalamka, ayna si dhow ula shaqayn doonto.

Shirka ayaa kusoo beegmayaa iyadoo Habeenkii Talaada magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyay Shirka 7aad ee Gollaha Amniga Qaranka, kaasoo war-murtiyeed laga soo saarey. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM